Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda cunada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa soo qaban qaabisay shir looga hadlayay horumarinta qorshaha Qaranka ee Xanaanada xoolaha Soomaaliya ee seddaxda sano ee soo socota oo ay ka qeyb galeen Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale qubaro dhinaca xanaanada xoolaha ah.

Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa laba shir oo bartamihii sanadkan ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasoo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,Dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada ay uga hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya ee seddaxda sano ee soo socota,waxaana shirka maanta furitaankiisa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wakiilada ka socda Dowlad Goboleedyada ee shirka joogay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan uu yahay iyo sidoo kale sida Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay uga wada shaqeyn karaan horumarinta xanaanada xoolaha soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ,dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan uu leeyahay oo uu tilmaamay in ay ka soo bixi doonaan hanaan Qaran oo ku aadan qorshaha lagu horumarin karo Xanaananda Xoolaha dalka.

Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo labadaba  ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku amaanay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada sida ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha horumarinta Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Saciid Xsueen Ciid ayaa tilmaamay in qodobada ka soo baxa shirka ay noqon doonaan kuwa horseeda horumarinta Xanaanada Xoolaha, lana dhaqan gelin doono.

Shirkan oo socon doona mudo laba cisha ah ayaa lagu sii amba qaadi doonaa qodobo dhowr ah oo ka soo baxay shirarki horey loogu qabtay Muqdisho,  waxaana ka qeyb galayaasha ay ka hadli doonaan horumarinta qorshaha Qaranka ee Xanaanada xoolaha Soomaaliya.

 vlcsnap-2016-12-28-14h20m02s45 vlcsnap-2016-12-28-14h20m13s145 vlcsnap-2016-12-28-14h20m31s82 vlcsnap-2016-12-28-14h20m51s7

 

 

Previous Post

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir

Next Post

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Next Post
Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In