Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Horyaalka heerka 1aad ee kubadda cagta Galmudug oo maanta la daah furay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Horyaalka heerka 1aad ee kubadda cagta Galmudug oo maanta la daah furay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaar xiiso badan oo dhex martey Kooxaha Dhuusamareeb iyo Cadaado kuna idlaatay barbar dhac 1-1 ayaa lagu daah furay Horyaalka heerka 1-aad ee Kubadda Cagta Galmudug oo sanadkan ay si toos ah gacanta ugu hayaan xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed, isla markaana daah-furkiisa ay ka wada qayb galeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, Maamulada Degmooyinka, Maamulka Ciyaaraha Galmudug iyo daawadayaasha labada koox ee kulanka daah furka wada ciyaaray.

Xasan Axmed Shirre, Guddoomiyaha xiriirka kubbada Cagta Galmudug ayaa ugu horeyn guul iyo hormar ku tilmaamay ka guul gaaridda qabsoomidda horyaalkan oo uu sheegay in muddo lagu howlanaa bilaashadiisa.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Guddoomiye kuxigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed Cali Shine oo tilmaamay in daah furka horyaalkan looga gol-leeyahay diyaarinta ciyaaryahanadii Galmudug ku matali lahaa tartanka dowlad Goboleedyada ayaa booriyay in la soo saaro ciyaartooy xirfad sare leh.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, Mahad Cali Cibaar ayaa uga mahadceliyay xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed qaadashada kaalinta qabsoomidda horyaalkan.

Horyaalka heerka 1-aad ee Kubadda Cagta Galmudug oo sanadkan noqonaya markiisii ugu horeysay ee la qabto ayaa fursad u noqonaya in dhalinyarada reer Galmudug ku soo bandhigaan xirfadooda kubadda Cagta si ay uga mid noqdaan xidigaha Galmudug ku matali doona tartanka dowlad goboleedyada iyo Gobolka banaadir oo sanadkan Galmudug ka gashey kaalinta 2-aad.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka “SAWIRRO”

Next Post

R/Wasaare Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka Sare

R/Wasaare Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In