Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Horyaalka heerka 1aad ee kubadda cagta Galmudug oo maanta la daah furay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Horyaalka heerka 1aad ee kubadda cagta Galmudug oo maanta la daah furay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaar xiiso badan oo dhex martey Kooxaha Dhuusamareeb iyo Cadaado kuna idlaatay barbar dhac 1-1 ayaa lagu daah furay Horyaalka heerka 1-aad ee Kubadda Cagta Galmudug oo sanadkan ay si toos ah gacanta ugu hayaan xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed, isla markaana daah-furkiisa ay ka wada qayb galeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, Maamulada Degmooyinka, Maamulka Ciyaaraha Galmudug iyo daawadayaasha labada koox ee kulanka daah furka wada ciyaaray.

Xasan Axmed Shirre, Guddoomiyaha xiriirka kubbada Cagta Galmudug ayaa ugu horeyn guul iyo hormar ku tilmaamay ka guul gaaridda qabsoomidda horyaalkan oo uu sheegay in muddo lagu howlanaa bilaashadiisa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Guddoomiye kuxigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed Cali Shine oo tilmaamay in daah furka horyaalkan looga gol-leeyahay diyaarinta ciyaaryahanadii Galmudug ku matali lahaa tartanka dowlad Goboleedyada ayaa booriyay in la soo saaro ciyaartooy xirfad sare leh.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, Mahad Cali Cibaar ayaa uga mahadceliyay xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed qaadashada kaalinta qabsoomidda horyaalkan.

Horyaalka heerka 1-aad ee Kubadda Cagta Galmudug oo sanadkan noqonaya markiisii ugu horeysay ee la qabto ayaa fursad u noqonaya in dhalinyarada reer Galmudug ku soo bandhigaan xirfadooda kubadda Cagta si ay uga mid noqdaan xidigaha Galmudug ku matali doona tartanka dowlad goboleedyada iyo Gobolka banaadir oo sanadkan Galmudug ka gashey kaalinta 2-aad.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka “SAWIRRO”

Next Post

R/Wasaare Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka Sare

R/Wasaare Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In