Ciidamada amaanka ayaa xalay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Caasimadda.
Inta badan waddooyinka Caasimadda, guryo iyo goobo ganacsi ayay Ciidamadu ka sameeyeen baaritaanno, iyada oo isu socodka Magaaladuna uu ahaa mid caadi ah.
Howl-galladan joogtada ah ee ay sameynayaan Ciidamada ayaa hoos u dhigay dhacdooyinkii amni darro ee Khawaarijta iyo kooxaha burcaddka ah ay magaalada ka geysan jireen.