Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howl wadeenno ka tirsan warbaahinta qaranka oo Tababar loo soo xiray halka kuwa kalana loo furay”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Howl wadeenno ka tirsan warbaahinta qaranka oo Tababar loo soo xiray halka kuwa kalana loo furay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo isugu jirtay furitaanka tababar aqoon kororsi ah iyo xiritaanka isla tababar kale oo kaasi lamid ah  loogunatalagay qaar kamid ah wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka,kuwa Madaxa banana iyo kuwo ka socday dowlad gobaleedyada waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xil Aadan Isxaaq Cali Agaasimaha guud ee wasaaradad C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala,agaasimeyaasha waaxyaha TV,Radiomuqdisho,SONNA& Wargeyska,shaqaaalaha iyo Tababarada oo soo qaban qaabisay iyo Dalxiiska.

Qeybta koowaad ee Tababarkan oo ay bixinayeen macalimiin ka socotay Machadka Aljazeera ee Dalka Qatar uuna soo xirey wasiir kuxigeenka warfaafinta waxaa ka faa’idaystay wariyeyaal gaaraya 15 oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka,kuwaasi oo la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda,iyadoo sidoo kale qeybta labaad loo furay 20 wariye oo ka kala socota Warbaahinta Qaranka,kuwa Madaxa banana iyo kuwa dowlad gobaleedyada.

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

“Waxaa noo Soo dhamaaday Maanta tababar qiimo badan oo ay qaateen wariyaal ka tirsan Wasaradda warfaafinta Oo gaaraya 15 wariye, Waxaa bixiyay macalimiin nooga timid machadka Aljazaara, Waxaana Sido kale wasiir ku xigeenka noo furay tababar kale oo ay qaadan doonaan 20 wariye oo qaybaha warbaahinta kala duwan ka yimid, Waxaan u mahad celinayaa Cid kasta oo gacan ka gaystay In uu hirgalo”. Ayuu yiri Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee wasaaradda Warfaafinta C/rixiin Ciise Caddow.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ku booriyay Wariyeyaasha tababarkaasi qaatay in aqoontii la baray ay ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna mahad u celiyay macalimiintii qeybta ka qaadatay tababarkan.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Xil Aadan Isxaaq Cali ayaa ku ammaanay maamulka wasaaradda sida ay isaga xil saareen sare u qaadista aqoonta Wariyeyaasha,Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay suxufiyiintana in ay laba jibaaraan kordhinta heer koodi aqooneed,uguna adeegaan Bulshada.

Wasiir Aadan ayaa uga mahad celiyay macalimiintii ka socotay Dalka Qatar,gaar ahaan machadka Aljazeera sida ay waqtigoodi ay ugu soo hureen in ay tababar siiyaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed,taasi oo uu ku tilmaamay tallaabo aad u muhiimsan.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa Tayada Warbaahinta Dalka,si Bulshada loogu hago dhabaha horumarka.

                     

Previous Post

Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala adkaan waayay.

Next Post

Dheeho sawirro soo koobaya nolosha Muqdisho.

Next Post
Dheeho sawirro soo koobaya nolosha Muqdisho.

Dheeho sawirro soo koobaya nolosha Muqdisho.

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In