Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlaha gar gaarka Soomaaliya oo awood loo siinayo Hay’adaah Maxaliga ah+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Howlaha gar gaarka Soomaaliya oo awood loo siinayo Hay’adaah Maxaliga ah+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

 Shirkan oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaal  iyo heer dowlad goboleed,hay”do caalami ah iyo kuwo Maxali ah ayaa diiradda lagu saaray sidii hoos loogu daadejin lahaa howlaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya iyo awood siinta hay’adaha maxaliga ah ee dalka ka howlgala.

Intii uu socday shirkaasi ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo gar gaar dhameystiran loo gaarsiin karo dadka kunool guud ahaan dalka,iyadoo loo marayo awoodsiinta hay’adaha maxaliga ah,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaga haboon yihiin fidinta howlaha gargaar maadaama ay dalka ay ka howlgalaan.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa faah faahiyay ahmiyada ay dalka u leedahay qorshaha daadejinta howlaha samafal.

“Runtii waxaa ahmiyad weyn inoo ah in fulinta mshaariicda ay gacanta u galaan hay’adaha maxaliga ah ee dalk aka howlgala,waxaana raacaynaa heshiis horey u dhacay iyo wada hadaladii dalka Turkiga 2012kii kaasi oo ku saabsanaa in dadka maxaliga ah awood badan la siiy,taasina waa inoo faaido”. Ayuu Yiri Maxamed Macalin.

Sidoo kale Maxamuud Maxamed Ibraahim oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda World Vision oo kamid ah hay’adaha gar gaarka ee Caalamiga ah aya hadlay ujeedka laga damacsanyahay in awood la siiyo hay’adaha maxaliga ah.

“Anaga ka caalami ahan iyo kuwa maxaliga ah waxaan is leeyahay waxbadan ayay qabanaysaa arrintan,waxaa ay wax ka taraysaa in ay gaaraan meel aysan gaari Karin kuwa caalamiga ah,iyagana waxay u noqonaysaa dabcan fursada awoodooda ay sare ugu qaadi karaan”. Ayuu yiri Maxamuud.

Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho waxay fursad u noqonaysaa dadbadan oo haysta xaalado bani’aadanimo in ay si haboon uga faa’idaystaan howlaha gargaar ee dalka ka socda,waxaana ay imanaysaa iyadoo baahiyo badan loo qabo in dadka ku dhibaataysan qeybo kamid ah gobolada dalka ay helaan fursad ku aadan adeegyada ay u baahanyihiin.

Previous Post

Kenya iyo Mareynkanka oo ku baaqay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Kooxaha argagixisada

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha.+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha.+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha.+Sawirro

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In