Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda suuqa xoolaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda suuqa xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay howlgal gaar ah ka sameeyay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasoo ay ka soo qabteen horjoogayaal  ka tirsanaa Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kaddib laamaha ammaanka ay hayeen xogta rag bartilmaameed ahaa, isagoo xusay in markii dambe u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Howlgal gaar ahaa oo laamaha amniga xalay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha dhinaca Yaaqshiid, waxaa ay ku soo qabteen shan nin oo bartilmaameed ahaa”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu intaasi ku daray in xalay ciidamada ammaanka ka hor-tageen mooto Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa, taasoo intii ay ceyrsanayeen Ciidamada ay ku qaraxday agagaarka Xero Jarmal ee waddada Warshadaha.

Waxaa uu sheegay in qarax ka dhashay mooto bajaajta uu ku dhintay wadihii mootada, isla markaana khasaaraha uu ahaa mid koobnaa wadihii isqarxiyay.

Ciidmada ammaanka ayaa u muuqda in ay krdhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G/Banaadir oo dib u dhis kale ku billaabay waddad Howlwadaag

Next Post

Madaxweynaha: “Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Next Post
Madaxweynaha: “Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Madaxweynaha: "Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In