Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda suuqa xoolaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda suuqa xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay howlgal gaar ah ka sameeyay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasoo ay ka soo qabteen horjoogayaal  ka tirsanaa Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kaddib laamaha ammaanka ay hayeen xogta rag bartilmaameed ahaa, isagoo xusay in markii dambe u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Howlgal gaar ahaa oo laamaha amniga xalay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha dhinaca Yaaqshiid, waxaa ay ku soo qabteen shan nin oo bartilmaameed ahaa”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu intaasi ku daray in xalay ciidamada ammaanka ka hor-tageen mooto Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa, taasoo intii ay ceyrsanayeen Ciidamada ay ku qaraxday agagaarka Xero Jarmal ee waddada Warshadaha.

Waxaa uu sheegay in qarax ka dhashay mooto bajaajta uu ku dhintay wadihii mootada, isla markaana khasaaraha uu ahaa mid koobnaa wadihii isqarxiyay.

Ciidmada ammaanka ayaa u muuqda in ay krdhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G/Banaadir oo dib u dhis kale ku billaabay waddad Howlwadaag

Next Post

Madaxweynaha: “Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Next Post
Madaxweynaha: “Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Madaxweynaha: "Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay’’

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In