Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal lagu soo qabtay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Bariirre

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 8, 2019
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga oo  Maleeshiyada Al shabaab ka saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose , Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in howl-galkii ka dhacay degaanka Bariirre lagu soo qabtay malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Guddoomiyaha oo u warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay fashiliyeen werarro ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab, gacantana ay kusoo dhigeen xubno ka mid ahaa argagixisada.

Howl-galka oo ay habeen ka hor ka sameeyeen ciidamadu degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay goobo ay kasoo maleegayeen qaraxyo iyo hagar-daamooyin ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay ciidamadu haatan hayaan afar xubnood oo ka mid ah Nabad-diidka, hub iyo waxyaabaha qarxa, kuwaas oo xilligaa isu diyaaraniyay in ay qaadaan weerarro ay ku waxyeelleeyaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay caddaaladda marsiin doonaan.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay in ay argagixisada ka xoreeyeen deegaanno badan oo ku teedsan xeebta, gaar ahaan dhulka u dhexeeya magaalooyinka Marka iyo Muqdisho iyo sidoo kale degaanno badan oo ah hareeraha laamiga.

Shacabka ku dhaqan Shabeellada Hoose ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamadooda iyo dowladda lana wadaagaan xogta ku saabsan ka hortagga falalka gurracan ee ay kooxaha argagixsadu ku waxyeelleynayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay horumarka Soomaaliya

Next Post

Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha amniga oo ka shiray xoojinta Nabadgelyada

Next Post
Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha amniga oo ka shiray xoojinta Nabadgelyada

Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha amniga oo ka shiray xoojinta Nabadgelyada

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In