Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo laga fuliyay degmada Jilib

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Galabta 24-ka Feberaayo 2020, ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Mareyka ee AFRICOM duqeyn cirka ah ku qaadeen xagjiriinta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarkan oo qorsheysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah xagjiriinta Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya taxadar dheeri ah oo lagu ilaalinayo waxyeello soogaarta shacabka inta lagu jiro la dagaallanka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab,  iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Duqeyntan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaliya ee ay uga takhalusayso gaboodfallada Al-Shabaab, islamarkaana loo-gogol xaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xoogga Dalka, Danab iyo jaalkooda Dowladda Mareyka ayay ka go’antahay la dagaallanka argagaxisada Al-Shabaab, iyada oo aan loo aabayeelayn lab iyo dheddig,  si loo baajiyo dhimashada dadka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah. Dadaalada aan wadno ee aan ku badbaadinayno shacabka ayaa aad uga duwan weerarrada aan loomeeldayin ee Al-Shabaab ku qaadaan goobaha shacabka ku badanyahay ee Soomaaliya.

Duqeyntan lala tiigsaday xuddunta Al-Shabaab ayaa tusaale u ah in aysan Al-Shabaab meelna ku baxsan karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa soo afjaraya kuwa argagaxinta iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Federal Government of Somalia, U.S. conduct airstrike against Al-Shabaab terrorists

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In