Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalka UNTMIS oo billaabay howlgalladiisa Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Howlgalka UNTMIS oo billaabay howlgalladiisa Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa billaabay shalay oo ay taariikhdu aheyd 1 November, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta” ayuu yiri James Swan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar, kaas oo aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota UNTMIS.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS iyadoo diiradda lagu saarayo hawlaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya, Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay qaraarka ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo markale diyaarad sida shixnad gargaar ah u dirtay Diinsoor

Next Post

Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)

Next Post
Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)

Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In