Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalka xasilinta amniga oo ka bilaabatay Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Howlgal Saakay laga Sameeyay Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka xasilinta amniga ayaa ka bilaawday qeybo ka mid ah Gobolka Hiiran  iyadoo shacabka ku dhaqanka gobolkaasi ay soo dhaweyen howlgalka lagu xoojinayo Nabadgelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga magaalada Beladweyne Maxamuud Cali Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay socdaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga oo looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in howlgalka laga fuliyay xaafadaha magaalada Beladweyne iyo deegaannada u dhaw, ayna socon doonaan howlada nuucaani ah.

“Howlgalka waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo militeri, kuwaasi oo tegaya meel kasta oo kamid ah magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga magaalada Beladweyne, loogana hortago waxkasta oo carqaladeynaya nabadgelyada” ayuu yiri Maxamuud Cali Maxamed.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga magaalada Beladweyne Maxamuud Cali Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin cid lagu soo qabtay howlgalka inta uu socday, balse ujeedka howlgalka uu yahay xoojinta amniga.

 

Previous Post

Nabadoon Xaad oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale

Next Post

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar

Next Post
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In