Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab oo xalay laga sameeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 3, 2015
in Wararka
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amniga ee dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Howlgalkan oo ah mid joogto ah waxa ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Warta Nabadda, Howlwadaag iyo Hodan, kaasi oo bilowday 2-dii habeennimo, iyadoo ciidamada wada jirka ah ay mid mid u baarayeen guryo bartilmaameed u ahaa iyo meelo kale, halkaasi oo laga soo qab qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo howlgalka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah xaafada degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Sida aad u jeedaan howlgalkan waxaa iska kaashanaya, ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militeriga iyo kuwa AMISOM, waa howlgal loo dhanyahay, waxaana uu yahay mid lagu xaqiijinayo Nabadgelyada caasimadda, baaritaannada intii uu socday 473 qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka lakala saaaray, waxaa soo hartay lix qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda UGUS, ciidamada ayaana gacanta ku haya” ayuu yiri Afhayeenka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in howlgallada ceynkaan oo kale ah uu yahay mid la joogteyn doono, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad inta uu howlgalka socda, ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga.

“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay dulqaataan inta uu socda howlgallada lagu xoojinayo amniga, runtii shacabka ciidanka way la shaqeeyaan, waxaan markale ka rabnaa in dhankooda ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.

 

 

Previous Post

Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In