Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab oo xalay laga sameeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amniga ee dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Howlgalkan oo ah mid joogto ah waxa ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Warta Nabadda, Howlwadaag iyo Hodan, kaasi oo bilowday 2-dii habeennimo, iyadoo ciidamada wada jirka ah ay mid mid u baarayeen guryo bartilmaameed u ahaa iyo meelo kale, halkaasi oo laga soo qab qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo howlgalka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah xaafada degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Sida aad u jeedaan howlgalkan waxaa iska kaashanaya, ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militeriga iyo kuwa AMISOM, waa howlgal loo dhanyahay, waxaana uu yahay mid lagu xaqiijinayo Nabadgelyada caasimadda, baaritaannada intii uu socday 473 qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka lakala saaaray, waxaa soo hartay lix qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda UGUS, ciidamada ayaana gacanta ku haya” ayuu yiri Afhayeenka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in howlgallada ceynkaan oo kale ah uu yahay mid la joogteyn doono, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad inta uu howlgalka socda, ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga.

“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay dulqaataan inta uu socda howlgallada lagu xoojinayo amniga, runtii shacabka ciidanka way la shaqeeyaan, waxaan markale ka rabnaa in dhankooda ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.

 

 

Previous Post

Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In