Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Luuq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyaad ka tirsan ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ka sameeyay tuulo hoostagta degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay kooxdan ku xasuuqday qoys deganaa tuulada.

Ciidanka ammaanka ayaa howlgalka waxa ay ku soo qab qabteen in ka badan 20 qof oo ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin kooxda UGUS.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Bishaar Aadan Cabdikariin Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa lagu baadi goobayo xasuuq ay kooxda argagixisada ah ee Shabaab u geysteen qoys ka kooban sideed qof oo shan ka mid ah ay dileen, halka ay dhaawac uga tageen saddex carruur ah.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ay jiraan maleeshiyaad ka tirsan ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen tuulooyin hoostaga degmada luuq, waxaana uu intaa ku daray in dadka lagu soo qabtay howlgalka ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

saraakiishu waxa ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan ammaanka, loogana hor-tagayo inay magaalada soo galaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo casho sharaf u sameeyay wefdi ka socda Dariiqada Suufiyada ee dalka Suudaan “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In