Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalo ay Ciidamada Xooga dalka iyo AFRICOM ka fuliyeen fariisimaha Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Somali National Army liberate Aw Dheegle town
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta Soomaaliya qeybta ka howlgsha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya  Howgalka AFRICOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay duqeeyay Fadhiisimo ay maleeshiyada argagixsada ah ee Al-shabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose ,halkaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, islamarkaana ay ugu qalnaayeen xoolo ay kasoo dhaceen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada gobalka Jubbada Hooose,sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen  xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe  oo  ay ku tababarayeen maleeshiyada Argagxiisada ah dhagar qabayaal ay soo marin habaabiyen ,  loona diyaarinyay in ay  daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed,halkaasi oo ay maleeshiyada khasaaro xoogga ku gaaray.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga  Maleeshiyadu ku lahaayeem  degmada  Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Horjoogayaal sar sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii cadowgu ku lahaa halkaasi.

Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay.

Ciidanka Xoogga ayaa laba jibaaray howlgala dalka looga saarayo maleeshiyada Nabaddiidka ah ee Al-shabaab,si looga dulqaado Bulshada Dhagarta ay usoo maleegayaan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2020/01/CODKA-TALIYAHA.mp3
Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS oo la kulmay boqorka Dalka Sacuudiga.

Next Post

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug oo kulan u qabatay haweenka Galmudug ee u sharaxan Xildhibaanimada Galmudug.

Next Post
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug oo kulan u qabatay haweenka Galmudug ee u sharaxan Xildhibaanimada Galmudug.

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug oo kulan u qabatay haweenka Galmudug ee u sharaxan Xildhibaanimada Galmudug.

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In