Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda oo loo qabtay tababar +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda oo loo qabtay tababar +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka qeyb galay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa qorshaha dib u eegista qorshaha Maareynta Maamulka Guud ee  Maaliyadda Soomaaliya.

Tababarkan oo uu gacan ka geystay Barnaamijka taakuleynta Farsamo ee Miisaaniyadda Soomaaliya ee Midowga Yurub waxaana ka qeyb galay howlwadeenada  qaar ka mid ah waaxyaha wasaaradda, Hey’adaha Maaliyadda iyo dowlad goboleedyada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxaa diirada lagu saaray bandhigada  Dib-u-habaynta Qorshaha Maareynta  Maamulka Maaliyadda Guud ee saddexda sano ee soo aaddan sida ilaalinta iyo dabagalka  hufnaanta Maaliyadda. Horumarinta daqliga, miisaaniyadda dowladda iyo kor u qaadista isla xisaabtanka

Labo maalin uu socday, Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda Maaliyadda waxay ku soo bandhigeen  doorkooda hirgalinta Qorshaha dib u habeynta Maamukala Maaliyadda iyo Hirgalinta qorshaha cusub.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Howlwadeenada wasaaradda ku  dhiiragaliyay ka faa’iidaysiga taakuleynta farsamo ee la siinayo, wuxuuna faray ku xaqiijinta dhaqangalinta shuruucda maaliyadda si dhaqaalaha dalka u soo kobco.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa horumar ka sameysay kor u qaadida dib u habeynta hufnaanta iyo maareynta maaliyadda taas oo keentay Kalsoonida caalamka ee guulaha wadahadala deyn cafinta iyo kor u kaca daqliga dowladda.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo furey Shirka Madasha Bangiyada Islamiga ah +Sawirro

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo qaabiley wefdi sare oo ka socda QM +Sawirro

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor oo qaabiley wefdi sare oo ka socda QM +Sawirro

Madaxweyne Qoor Qoor oo qaabiley wefdi sare oo ka socda QM +Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In