Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeennada wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tababar loogu furay magaalada Dhuusa-mareeb “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Howlwadeennada wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tababar loogu furay magaalada Dhuusa-mareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa tababar  Magaalada Dhuusamareeb uga furtay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Caafimaadka Deegaannada Galmudug, si sare loogu qaado xirfadda shaqaalaha ka howlgala xarumaha Caafimaadka gaar ahaan, Kahortagida Iyo Maareynta isqaadsiinta xanuunka COVID19.

Tababarkan  ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Kahirgalinta dhamaan goobaha caafimaad habka caalamiga ah ka digtoonaada isqaadsiinsa cudurada, kordhinta wacyigalinta bulshada iyo diyaarinta nidaamka iskuxirka bulshada iyo Xarumaha ku howlan Caawinta bukaanada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, sida uu ugu horeynta faah faahiyay Abdihakim Mohamed Diriye Agaasime qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shaqaalaha ka faa’iideysanaya tababarkan kula dardaarmey in ay Sare u qaadaan aqoontooda maadaama Wasaaraddu diirada saareyso tayeynta adeeg bixinta Caafimaadka iyo kordhinta goobaha bulshadu ka heli karto shaqaale xirfad Sare leh.

Tababarkan ayaa kusoo beegamaya xili wali ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku howlan tahay ka hortagida iyo yareynta qatarta COVID-19, isla markaana waxaa ka soo qayb galey in ku dhow 30 ka mid ah shaqaalaha ka howlgala Isbitaalada Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo Dhuusamareeb joogaya mudo 6 maalmood ah oo tababarka soconayo.

Previous Post

Shirka Golaha Watashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo gabagaboobay “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo maanta shir isugu yimid

Next Post
Guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo maanta shir isugu yimid

Guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo maanta shir isugu yimid

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka...

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In