Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

ICC oo baaraysa dambiyo dagaal oo ka dhacay dhulka Falastiin

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
ICC oo baaraysa dambiyo dagaal oo ka dhacay dhulka Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee ICC ayaa furtay gal dacwadeed rasmi ah oo lagu baarayo eedeymo dambiyo dagaal oo Israel ka geysatay dhulka Falastiin tan iyo bishii June 2014.

Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in baaritaanada ku saabsanaan doonaan ficilada Isrealiyiintu ka geysteen Jiidda Gaza iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026

Saraakiisha Isrealiyiinta ayaa diiday go’aanka xeer ilaaliyaha, balse Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay talaabada, sidoo kale Mareykanka ayaa muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn go’aanka ICC.

Maxkamadda ICC ayaa waxay awood sharciyeed u leedahay in ay baarto isla markaana ciqaabto kuwa lagu eedeeyo in ay xaquuq iyo dambiyo aadanaha ka dhan ah galeen, sida uu dhigayo heshiiska Rome ee maxkamaddu lagu unkay.

Israel kama mid aheyd dalalkii saxiixey heshiiska Rome, laakiin maxkamaddu waxay sheegtay in ay ikhtisaas u leedahay sababta oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Falastiniyiinta ka aqbalay heshiiskaas 2015.

Israel ayaa Daanta Galbeed, Jiidda Gaza iyo Bariga Qudus ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967. Falastiin ayaa sheegaysa in dhulkaas uu yahay mustaqbalka dowladda Falastiniyiintu.

 Maxaa kiciyay go’aanka dacwad oogaha?

War saxaafadeed arbacadii la soo saaray ayay Ms Bensouda ku faah faahisay in xafiiskeeda  waajib ku yahay in uu talaabo qaado isla markaana la go’aamiyo cidda mas’uulka ka aheyd ficiladaas ka dib baaritaanka.

Waxay sheegtay in ay jireen baaritaano hor u dhaca ah oo si madaxa banaan loo fuliyay  kuwaas oo ku dhowaad shan sano socday.

“Wax agenda kale oo aan leenahay ma jirto waxaa gudanaynaa waajibaadka uu nasiiyay heshiiskii Rome,” ayay tiri. Iyadoo xustay inay diiday inay baarto dilkii 2010-kii ay ciidamada Israa’iil u geysteen 10 qof oo Turki ah kuwaas oo la socday markabka Mavi Marmara ee ku sugnaa xeebta magaalada Gaza.

Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in go’aanka ICC uu yahay dareen Yuhuud naceyn ah iyo dareen munaafaqnimo.

“Maxkamadda waxaa loo aas aasay in ay ka hor tagto soo laabashada ficilada Naazigii uu ku sameeyay dadka iyo dowladda Yuhuudda laakiin hadda anagii ayay nagu soo jeesatay ,” ayuu sheegay.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykaka Ned Price ayaa dhaleeceysay go’aanka ICC.

“Waxaan si adag uga soo hor jeednaa isla markaana ka xunnahay go’aanka xeer ilaaliyaha ICC ay ku dhawaaqday kaas oo ah in ay baareyso wixii ku dhacay Falastiniyiinta ,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka ka go’an tahay sii wadista taageerada xoogan ee Israel oo ay ku jirto in aan ka hor nimaadno ficilada aan caddaaladda aheyd ee Israel lagu beegsanayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyaad al-Maaliki ayaa sheegay  in dambiyada ay ka galeen shacabka Falastiin hogaanka gumeystaha uu wali u socdo si xiriir ah isla markaana aad u baahay, baaritaanada arrintaas waa mid lagama maarmaan ah oo deg deg ah.

Sidoo kale, dhaq dhaqaaqa Xamaas ee maamulka Gaza ayaa soo dhaweeyay go’aanka ICC. Ayagoo xusay in ay tahay talaabo dhanka caddaaladda loo qaaday.

Hey’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in indhaha ku sii jeedaan xeer ilaaliyaha cusub ee ICC in ay sii wadayso iyo in kale, dhammaan dalalka xubnaha ka ah maxkamadda ICC waxay si adag uga soo hor jeedaan in shaqada Maxkamadda saameyso cadaadis siyaasadeed.

Maxay yihiin dambiyada la baarayo?

Baaritaanada hor u dhaca ah oo ay sameysay Ms Bensouda ayaa lagu ogaaday in arrimaha diiradda la saarayo ay kamid yihiin howlgalada militiriga Israel uu ku qaaday Jiidda Gaza, deegaameynta sharci darada ah ee bariga magaalada barakeysan ee Qudus iyo waxyaabo kale oo dhacay laba soo bilaabo 13 June, 2014.

Waa hal bil ka hor inta uusan bilaaban dagaalkii u dhexeeyay dagaalyahnada Falastiin ee Gaza jooga iyo militiriga gumeysiga Israel, dagaalkaas waxaa lagu dilay 2,251 Falastiniyiin ah ay ku jiraan 1,462 shacab ah iyadoo 67 askari oo Israel ah iyo lix shacab ah ku naf waayeen iska hor imaadkaas socday 50 maalin.

Dacwadda ayaa lagu soo oogayaa askar ka tirsan ciidanka difaaca Israel, Xamaas iyo kooxo kale oo Falastiin ah, sida ay sheegtay xeer ilaaliye Fatou Bensouda.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xustay in ficilada ka dhacaya bariga magaalada Qudus loo tirin karo dambiyo dagaal waxaana la baarayaa qaar kamid ah mas’uuliyiinta Israel oo arrintaas mas’uul ka ahaa.

Previous Post

Xukuumadda oo ogolaatay in dibad baxa lagu dhigo fagaaraha Daljirka Dahsoon

Next Post

Maxkamadda Sare oo soo saartay go’aano ku saabsan xakameynta COVID-19

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Maxkamadda Sare oo soo saartay go'aano ku saabsan xakameynta COVID-19

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In