Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ifraax Macallin Axmed oo lagu taageeray Billadda xuquuqda Haweenka oo ay u taagantahay”sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ifraax Macallin Axmed oo lagu taageeray Billadda xuquuqda Haweenka oo ay u taagantahay”sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaani oo lagu taageerayey  Ifraax Macallin Axmed oo u taagan billadda  xuquuqda haweenka Africa  iyadoo ka wakiil ah haweenka’ Soomaliyeed ayaa waxaa  kasoo qeyb galay  mas’uuliyiin katirsan labada Gole ee dowldda federaalka Soomaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, xubno ka socday maamulka gobalka banaadir iyo qeybaha bulshada fanaaniin iyo mariti sharaf kale.

Ifrax Macallin Axmed oo munaasabada ka hadashay ayaa tiri.
“aniga oo daba galaya xaaladda haweenka yaaan waraystay  Madaxweynaha jamuuriyada soomaliyed mudane xassan sheekh  si aan wax uga ogaado dhibaatoyinka haweenka ee dalka kajira anigoo jooga yurub marka aan dalka imaaday waxaa isku soo tagay in aan wax ka ogaado tacadiyada loo geysto dumarka”.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Guddoomiyaha Ururka dhallin yarada gobalka banaadir Cabdi kaafi Maxamuud
Makaraan oo lahaa qaban qaabada munaasabadda  ayaa tilmaamay in dhallin yarada Soomaliyeed looga baahan yahay in ay ku daydaan  doorka ay ifraax ka qaadatay.

“Xilkaas ay usharaxan tahay ifraax waxey inoo tahay farxad weyn
maadama ay ifraax tahay gabar Soomaliyeed oo dhlinyara ah” ayuu yiri guddoomiyaha Dhallinyarada gobolka.

Xildhibaan Axmed Cumar Islow oo xubin ka ah barlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in barlamaanka uu diyaar u yahay sidii loo dhiiri galin lahaa dhallin yarada Soomaliyeed ee ka qeyb qaata horumarka dalka iyo midnimada Soomaliyeed.

“Dhawaan inta aan la gaarin sagaalka may waxaan barlmaanka horgeeni doonnaa qaraar lagu taagarayo ifraax macallin Axmed si ay u guuleysato  islamarkaana ay kor u sii qaado magaca Soomaliyeed” sidaas waxaa yiri xil Axmed Islow.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Axmed Cali Daahir waxa uu munaasabadasi ka  sheegay in xafiiska xeer ilaalinta uu u furan yahay sidii qofkasto oo Soomaliyeed uu xuquuq diisa u heli lahaa.

“Waxbarashada ku da’daala mushtamaca qofkasta oo kamid ah meel ayuu gaara in uu meeshasi gaarana waxaa ka xiga Aqoon   aad baan ugu faraxsan sanahay in ifraax ay u taagan tahay billadda xuquuqda haweenka Africa” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul aadanaha Muumino sheekh Cumar iyo wasiir kuxigeenka wasasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaliya Cabdulahi Colaad Rooble ayaa si wada jir ah hambalyo iyo bogaadin ujeediyay  ifraax macallin Axmed.

“Waxaan lee yahay waad guuleysatay anaga ka Soomali ahaan ka dowlad ahaan iyo ka shacab ahaan waxaan kuu rajey neynaa guul”ayuu yiri wasiir kuxigeenka warfaafinta,

“Ifraax waan ku taageer sanahay waan ku duceyneynaa waxaana kaa sugeynaa in aad dalka kusoo laabato adoo biladaada sida oo aad magaca
Soomaliyeed iyo calanka aad kor uqaado” waxaa sidaasi yiri wasiirkuxigeenka  haweenka.

9 bishan may ee sanadkan ayaa la filaaya in malaagada London ee xarunta dalka Biritin lagu qabto Xaflad bilad lagu guddoon siinayo sadax haween ah oo ka kala socda dalalka gana negeria iyo Soomaaliya oo ay mataleyso ifraax macallin Axmed bilidaasi oo ah bilada xaquuqda haweenka Africa oo sanadkii mar laqabto.

vlcsnap-2015-05-06-11h29m10s70 vlcsnap-2015-05-06-11h29m27s2 vlcsnap-2015-05-06-11h29m40s121 vlcsnap-2015-05-06-11h30m20s26 vlcsnap-2015-05-06-11h30m29s121 vlcsnap-2015-05-06-11h31m07s229 vlcsnap-2015-05-06-11h33m01s77 vlcsnap-2015-05-06-11h33m53s85 vlcsnap-2015-05-06-11h34m52s187 vlcsnap-2015-05-06-11h35m15s144 vlcsnap-2015-05-06-11h35m30s37 vlcsnap-2015-05-06-11h35m46s191 vlcsnap-2015-05-06-11h35m55s41 vlcsnap-2015-05-06-11h36m23s59 vlcsnap-2015-05-06-11h36m53s103 vlcsnap-2015-05-06-11h37m08s3 vlcsnap-2015-05-06-11h37m23s134 vlcsnap-2015-05-06-11h39m52s98vlcsnap-2015-05-06-11h40m43s113 vlcsnap-2015-05-06-11h41m24s250

 

Sawir:-Qaade Nuur Saciid Tahliil

Previous Post

Madaxweynaha”waqti kororsi ma jiri doono dowladeyda

Next Post

Olole Nadaafadeed oo maanta ka bilowday degmada Kaaraan{SAWIRRO}

Next Post
Olole Nadaafadeed oo maanta ka bilowday degmada Kaaraan{SAWIRRO}

Olole Nadaafadeed oo maanta ka bilowday degmada Kaaraan{SAWIRRO}

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In