Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo bogaadisay heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 8, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Xoghayaha guud ee urur goboleedka  IGAD Mr.Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiska ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen dowlada dhexe iyo ururka Ahlu sunna,sidoo wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiriso kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya,waana garabtaagan nahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa wayn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin Xoghayaha guud ee IGAD.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galinayso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka, iyo in si buuxda looga xoreeyo kooxaha nabad diidka ah qaybaha ay dalka kaga hareen .

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi. arrintan ayaa qayb ka ah guulo ay dowladda federaalka ka gaartay Khilaafaadkii ka jiray maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho.

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray gobolka Bakool

Next Post

Ciidamada amniga oo fashiliyay gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Next Post
Ciidamada amniga oo fashiliyay gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Ciidamada amniga oo fashiliyay gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In