Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee khamiistii ka dhacay Muqdisho

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
IGAD oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee khamiistii ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Urur goboleedka IGAD, ayaa maanta oo Axad ah cambaareeyay weerarkii argagixiso ee khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, IGAD ayaa wacad ku martay in laga adkaanayo maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ,kaasoo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya dadaalka iyo  geesinimadooda ku aadan siday u xakameeyeen khasaaraha shacabka ka soo gaari lahaa weerarkii argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama  iyo goobaha kale ee ganacsiga ku yaala hareeraha wadada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxay xaqiijiyeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan inaan marnaba loo dulqaadan Karin kana soo horjeedaan dhammaan noocyada argagixisada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale,war ka soo baxay IGAD ayaa lagu cadeeyay in si wadajir ah looga hortagayo caqabadaha ka hor imaan kara nabad galyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kooxda gabalkooda sii dhacaya ee Al-Shabaab ayaa u soo dhigtay iney daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,iyagoo aan u aabe-yeeleyn carruur,Cirroole iyo Haween,balse ciidamada xoogga dalka ayaa markasta u taagan iney danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed si adag u difaacaan.

Previous Post

Shir horumarinta Beeraha dalka looga hadlayay oo maanta Muqdisho lagu qabtay +Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In