Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD “Al-Shabaab ma awoodaan inay carqaladeeyaan soo dhaweynta Ordogan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
IGAD  “Al-Shabaab ma awoodaan inay carqaladeeyaan soo dhaweynta Ordogan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War uu soo saaray urur goboleedka IGAD ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen dimlomaasiyin Turkey ah maalintii Khamiista.

“Inkastoo ay shan qof oo ay ku jirtaan saddex ka tirsan ciidammada ammaanka ay naftooda ku waayeen fal dambiyeedka, haddana ma u suurta galin doonto inay joojiso burburka Al-Sabaab ee ah inay ka tirtirmaan taariikhda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Warka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu ay ku howlan yihiin sidoo ay dib ugu dhisan lahaayeen waddankooda, taas oo caalamkuna uu garab ku siinayo.

“Soomaaliya waxay dhisatay dowlad federal ah, baarlamaan shaqeynaya iyo hay’ado ammaan iyo ciidammo difaac, waxaa dib u soo laabtay suuqyadii,  goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ayaa bixinaya adeegyadooda, taasi waxay caddeyneysaa in dagaal, rabshad iyo falal argagixiso oo ka dhaca dhulkan quruxda badan(Somalia) in ka badan 20 sano ay sii dhammaanayaan”.

IGAD ayaa warkooda ku sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay carqaladeeyaan horumarka dalka Soomaaliya ayagoo sheegay inay ku guuldareysteen iny weerarrada ceynkaan ah fuliyaan intii lagu jiray shirkii wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo laba toddobaad ka hor  dowladda Soomaaliya ay ku marti galisay magaalada Muqdisho.

“Al-Shabaab sidoo kale ma awoodaya inay joojiyaan diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan” ayaa lagu yiri warka IGAD.

Maalintii khamiista ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hotel SYL oo  ay ku sugnaayeen wafdi Turki ah oo horudhac u ahaa wafdiga madaxweynaha Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho. Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkaas oo ay masuuliyaddiisa sheegteen maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Next Post

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya: Gurmad iyo gargaar dhab ah – SAWIRRO

Next Post
Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya: Gurmad iyo gargaar dhab ah – SAWIRRO

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya: Gurmad iyo gargaar dhab ah - SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In