Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

Dr Workneh ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga go’antahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin dhabo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.

Xoghayaha fulinta ayaa ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda uu isu-tanaasulku leeyahay ay tahay si loo gaaro xal waara, ayna IGAD sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Next Post

Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Next Post
Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In