Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan “Cawaaqib xumada ka dhalata Bariga dhexe waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Baxrayn iyo Imaaraadka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Iiraan  “Cawaaqib xumada ka dhalata Bariga dhexe waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Baxrayn iyo Imaaraadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay xiriirka Baxrayn ay la lyeelaneeyso Israa’iil, taasi oo lagu sheegay in ay  noqoneeyso sharaf dhac diiwaanka uga li doonta taliska Bahrain, Iiraana waxay si cadd usheegtay in wadamadda Baxreyn iyo Imiraadka ay masuul ka noqon doonaan tallaabo kasta oo Israa’iil ay isku daydo in ay wax ugu dhinto amniga Khaliijka.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in gobolka ay ka socdaan shirqoolo ay maleegayaan Mareykanka iyo Israa’iil, wuxuuna intaa raaciyay in markasta Dahraan ay ay ka shaqeyn doonto xaqiijinta amniga iyo xasiloonida gobolka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Xasan Ruuxaani  oo la hadlayay Sarakiisha sare Dalkiisa ayaa ka dhawaajiyay in arrimha Mareykanku ku cadaadinayo waddamada Carabta in ay u horseedi doonto xasillooni darro ku timaado amniga gobolka, waxuuna sii iftiimiyay in ay ku xigi doonaan tallaabooyin daandaansi ah o lagu waxyeeleynaayo amaanka guud ee gobalka.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Israa’iil  Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu u ambabaxayo Washington si uu ugu  qeyb galo xaflada saxiixa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn.

Netanyahu ayaa sheegay in bil gudaheed Israa’iil ay heshay laba heshiis oo taariikhi ah oo ay la galeen laba dal oo Carab ah, wuxuuna intaas ku daray in muhiimda kowaad ee uu heshiiskan u saamaxayo ay tahay duulimaadyada tooska ah ee dalalkan iyo horumar ku yimaado nabada Gobalka.

Ururka mucaaradka Baxreyn ee Al-Wifaaq ayaa sheegay in madaxda sare ee  Baxreyn ay wadaan cabsi gelin iyo hanjabaadyo ku qasbayo hay’adaha qaar inay taageeraan heshiiska lala galay Israa’iil, waxayna cadeeyeen in dhowr ururo diimeed iyo kuwa bulshaba ah ay heleen hanjabaad iyo cabsi galin si ay u  taageeraan heshiiska lala galay Yahuuda.

Ururka Al-Wifaaq wuxuu tilmaamay in toddobaadkii hore uu dhacay  is afgarad qaran si loo diido heshiiska Baxreyn ay la gashay Israa’iil, kaasi oo ay ka qeeyb galeen  ururada shaqaalaha, urur diimeedyada, hay’adaha bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda tallaabada uu qaaday taliska ugu sareeya dalka.

Guud ahaan Ururada siyaasadeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee Baxrayn ayaa ugu danbeeyn soo saaray  bayaan ay ku cadeynayaan gabi ahaanba in ay diidanyahiin heshiiska lala galay Israa’iil.

Previous Post

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Next Post

Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Next Post
Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In