Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ilhaan Cumar oo kamid noqotay Aqalka hoose ee Congresska Mareykanka

admin by admin
November 7, 2018
in Wararka
0
Ilhaan Cumar oo kamid noqotay Aqalka hoose ee Congresska Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
Ololihii loogu jiray in Ilhan Cumar,mar un ay kamid noqoto golaha aqalka hoose ee Congresma Mareykanka ayaa soo afjarmay,waxaan guul taariikhi ah laga gaaray in Ilhaan ay hesho xubin-nimada congresska Mareykanka kadib doorashadii ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan oo iyagana ku guuleystay in ay kamid noqdaan Aqalka hoose ee baarlamanaka gobolka Minnesota.

Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.

Waxaa loolan adag uu ka dhexeeya labada xisbig ee Mareykanka,waxaana Guud ahaan doorashada ay u muuqataa mid ay ku kala qeybsadeen ololaha,Xisbiga Dimoqraadigu wuxuu qaatay Aqalka Hoose, halka xisbiga kale ee Jamhuuriguna uu adkeystay Aqalka Senate-ka ee Dalkaasi Mareykanka.

Bulshooyinka muslimiinta iyo guud ahaan Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa siweyn u soo dhaweeyay talaabada lagu doortay Ilhaan Cumar,iyadoo la hadal hayo in ay ka dhigantahay mid wax badan ka bedeli karta siyaasadda Madaxweyne Trump eek u wajahan dadka soo galootiga

Previous Post

Mareykanka:Xisbiga Democratiga oo ku guuleystay Aqalka Wakiilada

Next Post

TOOS U DAAWO:- Daah-Furka Istaraatijiyad Wacyi Galinta Qaranka oo Muqdisho ka socota

Next Post
TOOS U DAAWO:- Daah-Furka Istaraatijiyad Wacyi Galinta Qaranka oo Muqdisho ka socota

TOOS U DAAWO:- Daah-Furka Istaraatijiyad Wacyi Galinta Qaranka oo Muqdisho ka socota

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In