Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Imaaraadka iyo Qatar oo war kasoo saaray doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Imaaraadka iyo Qatar oo war kasoo saaray doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha madaxweynaha ahna ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al Maktoum ayaa dhambaal furan oo hambalyo ah u soo diray madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Sheikh Mohamed ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u rajeeyay in uu alle ku guuleeyo mas’uuliyadda culus ee ka saaran dalkiisa, maadaama baarlamaanka uu u gartay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hambalyo ku aadan doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Amiirka ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyey guul iyo in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo horumarka.

Ku-xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdullah bin Hamad Al-Thani ayaa dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka iyo ATMIS oo maanta dib ula wareegay Ceelbaraf

Next Post

Wasiir Dubbe oo war ka soo saaray tebintii warbaahinta Qaranka ee doorashooyinkii dalka

Next Post
Xukuumadda FS oo soo saartay go’aanno looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19

Wasiir Dubbe oo war ka soo saaray tebintii warbaahinta Qaranka ee doorashooyinkii dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In