Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF iyo Banggiga Adduunka Oo Xaqiijiyay in Soomaaliya buuxisay shuruudihii Den-Cafinta

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
IMF iyo Banggiga Adduunka Oo Xaqiijiyay in Soomaaliya buuxisay shuruudihii Den-Cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulamo ay guddiyada sare ee Banigga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026

Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo IMF ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.

Madaxweynaha Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kualka guddiga sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacaywaxuu shegay in maanta tillaabo wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anba qaado in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geysay guusha la gaaray.

Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.

“(Arrinta dhacday) maanta waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in Hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah ay dib dhaqaale u siiyaan Soomaaliya, kuwaas oo uu ku jiro IDA oo ah sanduuqeenna loogu talo galay dalalka ugu faqiirsan caalamka“Waxaan ugu hambalyaynayaa Soomaaliya dhaqan gelinta dib-u-habayn muhiim ah oo wax badan ka qaban kara in si joogto ah loo yareeyo faqriga, sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa saaxibbaneeda caalamiga ah ee nala shaqeeyay si aan Soomaaliya u gaarsiinno heerkaan muhiimka ah”.ayuu yiri David Malpass, madaxweynaha Bangiga adduunka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”.“ Heshiiska maanta ee guddiga fulinta Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee ah in Soomaaliya ay buuxin karto shuruudaha dayn cafinta ayadoo la raacayo Masharuuca HIPC wuxuu calaamad u yahay dhacdo taariikhi ah,Wuxuu bixinayaa aqoonsi cad oo ku saabsan ka go’naanta joogtada ah ee Somaaliya ay ku sammaynayso dib-u-habayn dhaqaale iyo mid maaliyeed si waafaqsan barnaamijyadii is-xigxigay (SNP) ee IMF.

Caawinta Soomaaliya si ay u xaqiijiso in daynta laga cafiyo iyo in loo oggolaado in ay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay xoog ugu kobocdo, una yarayso faqriga waa muhiimadda koowaad ee IMF,Aad ayana u bogaadinayaa xubnaheenna taageerada ay ku bixiyeen guushan” Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha fulinta iyo ku simaha guddoomiyaha IMF.

Previous Post

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay guddiga maamulka Banggiga Dhexe ee Soomaalia

Next Post

Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro

Next Post
Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro

Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In