Sunday, May 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa mudateysatay in ay hey’adda IMF iyo kuwo kale ee caalamka oo amaahda bixiya ay tageeraan, kadib markii isbedel lagu sameeyay hanaanka maaliyadda dalka isla markaana la sameeyay mashaariic dib loogu dhisayo wadanka Soomaaliya, sidaa waxaa sheegay mas’uul ka tirsan heyadda lacagta aduunka IMF.

Barwaaqo iyo nabadda ayaa ka soo bidhaameysa Soomaaliya kadib in ka badan 20 sano oo rabshado iyo dagaalo sokeeye ay ka dhacayeen Soomaaliya markii dhowaan dalku go’aansaday in 30 Oct uu doorto madaxweyne cusub, Samba Thiam kamid ah hey’adda IMF oo Email kula hadlay khubaro Soomaaliya kala shaqeysa dib u soo kabashada dhaqaalaha ayaa sidaa sheegay.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026

“Horumarka ilaa iyo hadda la sameeyay ayaa waxaa kamid ah sharciga maalgashiga, sharciga dejinta heshiisyada, qaabeynta maaliyadda guud ee wadanka iyo sharciga ka hortagga lacagaha la been abuuro,” ayuu  yiri Thiam. “ Hadii qorshahan dowladdu sidaas ay u dhaqan galaan Soomaaliya waxaa ay IMF ka caawin doontaa galaangalka dhanka maaliyadda.

Hey’adda  IMF iyo Bankiga aduunka (World Bank) ayaa Soomaaliya  ka gacansiiya isbedelada lagu sameynaayo qeybaha kala duwan ee ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka kaas oo soo jeedasho leh ,” ayuu yiri Thiam. Wadamada daneeya Soomaaliya Waxaa ay ku bixiyeen lacag dhan $10 million oo lagu horumarinyay xirfadaha.

IMF ayaa sidoo kale, qorsheysay in Bankiga dhexe ee dalka ka caawiso in uu soo daabaco lacago cusub sanadka 2017 , Bankigu  waxaa uu hadda ku jiraa wajigii ugu dambeeyay oo deeqbixiyeyaasha ku hubineyaan sida isbedelka lagu sameeyay uu u noqday  mid lagu kalsoonaan karo, sidaa waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga Bashir Ciise Cali.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu kordheyaa 3.7 % sanadkan iyo kii la soo dhaafay, qiimeyn ay sameysay hey’ada IMF waxaa ay ku sheegtay in dhaqaalaha uu sii kordhi doono haddii la adkeeyo amniga lana xoojiyo dowladnimada isla markaana wax soo saarka beeraha xooga la saaro, sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka.

“Hanaanka siyaasadda dalka waa mid socda oo qof kastana saameyn wanaagsan ku leh,” yuu yiri guddoomiyaha. “ Dhibaatadeena ma ahan dhaqaale la’aan ee waa nabadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax soo saarka shidaalka iyo gaas uu bilaaban doono sanadkan 2020 kadib sahmintii lagu sameeyay oo muujisay baaxadda kheyraadkaas.

Hey’adaha dowaliga iyo baarlamaan wax tar leh isla markaana awood u leh in ay galaan wada xaajood heshiis oo ku saabsan gaaska iyo shidaalka kale ayaa ahmiyad weyn u leh Soomaaliya ka hor inta aan la soo saarin ogolaanshaha ayuu mar kale yiri  Thiam.

“Sharciyo aan mad madow ku jirin, ayaan taageerada beesha caalamka u aragnaa in ay tahay mid xiiso u leh wax soo saarta gaaska iyo shidaalka kadib doorashada,”  ayuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay.

Xigasho: bloomberg

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Burburiyay Ceelal dadka Shacabka ah Biyaha ka cabi jireen

Next Post

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar muhiim ah u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO(DIINSOOR):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In