Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo bogaadisay Hormarka DFS ay ka sameynayso kobaca Dhaqaale ee Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
IMF: Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo markii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaliya ay horumarin iyo dib u habeyn ballaaran ku sameysay hannaanka maamul-maaliyadeed ee dalka,waxaa sii kordhayay isbedelada dhinaca kobaca dhaqaalaha ee dalka,taasi oo keentay in Deeq bixiyaasha Caalamku ay u riyaaqaan Talloobooyinka iyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ee(IMF), ayaa si-weyn looga hadlay dadaalka ay waddo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,iyadoo hay’addu bogaadisay guulihii laga gaaray sidii loo abuuri lahaa jawi uu ku kobco dhaqaalaha Dalka,taasoo loo marayo in si wanaagsan looga faa’iideysto ilaha dhaqaale ee dalka,islamarkaana la hagaajiyo hanaanka maamul-maaliyadeed.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la soo gebagabeeyey wadatashiyo ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ee sanadka 2019, iyadoo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kasbatay jawi ku dhisan kalsoonida deeqbixiyaasha Caalamka. Ka dib markii horumaro ay ka sameysay Hay’adaha maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka Musuqa oo dhinackasta leh,waxaana warbixinta lagu sheegay in meelaha ay ku guuleysatay ay kamid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida , dhiirigelinta Ganacsiga, Dib-u-dhiska iyo kuwo kale.

Hay’adu waxay kaloo warbixinta ku sheegtay in roob yarida Soomaaliya laga cabsi qabo in ay keeni karto saameyn dhinaca cunada ah,waxaa ka mid ah qorsayaasaha ay soo bandhigtay sida dhinaca kobaca, GDP waxaa lagu qayaasay 2018, 2.8 %,2019 2.9 % Qayaastii.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa horumarinta hanaanka qaadista canshuuraha ee dalka,taasi oo keentay in uu kordho dakhliga dowladda uu ka soo galo gudaha dalka, 30% in kabadan sanadkii 2017, islamarkaana ka caawinaysa dowladda Soomaaliya in ay ku bixiso adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynahu u baahan yihiin,sida Caafimaadka,Waxbarashada,Mushaharaadka, iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah”. ayaa lagu yiri qoraakaasi oo ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee(International Monetary Fun).

Sidoo kale Hay’adda(IMF) ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya ay gaari doonto isku filnaansho waqti dhow,marka la eego habka uu ku socdo horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka,oo ay horumuudka ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,waxaana ay intaasi ku dartay in deganaansho dhaqaale oo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedka uu jiro.

Warbixinta Hay’adda (IMF) ayaa lagu sheegay in horumarka dalka ay qeyb lixaad leh ka qadaanayaan Ansixinta Sharciyada muhiimka ah,sida Betroolka,La-dagaalanka Argagixisada, iyo kuwo kale ee muhiim ah,kuwaasi oo ay sheegtay hay’addu in ay keenayso Hufnaan,ayna horumarinayso hanaqaadka iyo hanaanka Dowladnimo.  Sidoo kale waxaa ayna bogaadisay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso horumaro laga gaaro guud ahaan ilaha dhaqaale ee dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha,taasi oo meel fiican mareyso kadib markii laga gudbay qeybo badan oo ka mid ah shuruudihii laga rabay oo dowladdu guulo lataaban karo ay ka sameysay,waxaana taasi horseeday in aaminaad iyo kalsooni buuxda ay ku abuurtay taasi hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamka, iyadoo taasi fursad u siinaysaa in dalka deymaha laga cafiyo islamarkaana uu gaaro horumaro badan,sida koboca Dhaqaalaha,dib u dhiska,caafimaadka,waxbarashada,nolosha guud ahaan adeegyada muhiimkam u ah bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Next Post
Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In