Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo soo dhaweysay dib-u-eegista ay golaha wasiiradu ku sameeyeen miisaaniyadda 2015-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudiga Fulinta ee Hay’ada Lacaga Aduunka ayaa soo dhoweeyey in ay Sooomaaliya dib uga howlgashay kadib markii la eegay (Aritical VI), iyadoo qiimayntaan mid la mid ah ay ugu danabaysay  in Soomaaliya laga sameeyo 26 sano ka hor.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa lagu sheegay in Gudiga Fulintu ay oggolaadeen qiiimaynta ay sameeyeen hawlwadeena Hay’adu.  “Waxaa Soomaaliya la soo darisay caqabado dhib badan wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye. Wixii hada ka danbeeyana mudnaanta kowaad waxaa la siinayaa dhismaha hay’adaha dawladda iyo taabagalinta dhinaca maamulka, iyadoo la samaynayo dib u habayn dhinaca qaab-dhismeedka ah si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada. waxaan caddeeyeenaa in beesha caalamku muhiimad gaar ah siinayso Soomaaliya si loo baritaaro dadaalada ay waddo dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Gudiga ayaa waxay sheegeen in  xoogga la saarayo baahida loo qabo in tallaabooyin muhiim ah loo qaado dhismaha nidaamka maaliyadda, iyadoo sal looga dhigayo hab miisaaniyadeed iyo fulin dhab ah. Waxayna soo dhoweeyeen meelmarinta Golaha Wasiirrada ee dib u eegista miisaaniyadda sannadka 2015 si looga fogaado in qaladaad maaliyadeed oo cusub soo baxaan, iyadoo kor loo qaadayo dakhliga lana xadaynayo mushaharaadka, adeegyada asaasiga ah iyo kharashaadka kale ee Dowladda.

“Waxay Gudigu xoojinayaan muhiimadda ay leedahay dejinta miisaaniyadda xilliga dhow iyadoo lagu shaqaynayo hannaanka maaliyadeed, ee ku salaysan mabaadii’ wanaagsan oo maaliyadeed, warbixin daahfuran, iyo dib-u-eegis kharashaadka si kor loogu qaado qoondaynta dhaqaalaha ee dhinacyada maalgashiga dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha”

Sidoo kale Gudiga Fulintu waxay soo dhoweeyeen dadaalada socda ee lagu xoojinayo qaab-dhismeedka maamulka iyo awoodda ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah iyo beesha caalamka. Waxayna ka digeen in aan dib u habayn lagu samayn karin hiltaanka shilin Soomaali cusub ilaa shuruudaha oo dhan laga hirgelinayo, si loo ilaaliyo aamminaada siyaasadeed.

Dhanka kale Gudiga Fulintu waxay sheegen iney xoojinayaan dib u habaynta maaliyadda dalka, muhiimad gaar ahna la siinayo kalsoonida iyo hubanti ku saabsan shati-bixinta iyo las-socodka shirkadaha lacagaha xawila, si gacan looga geysto in la helo qaab xawilaad oo nidaam bangi ku salaysan. Waxayna gudigu ku taliyeen in la helo nidaam lagu cirib tirayo lacaga been xalaalaysiga iyo ka hortaga maalgelinta argagaxisada (Anti-Money Laundering and Countering Financing of Terrorism) si waafaqsan nidaamka iyo xeerarka caalamka.

Gabagabadii Gudiga ayaa soo jeediyey in IMF iyo deeq bixiyayaasha caalamku a ay ku dhiirrigeliyeen Dawladda in la sii wado sidii looga shaqayn lahaa in la tirtiro deyn muddo socotay oo lagu leeyahay Soomaaliya. Waxayna sheegeen in waqtiga ku habboon la sameeyo iskaashi u dhexeeya Soomaaliya iyo IMF oo ku saabsan lacag bixinta iyadoo lagu salaynayo barnaamij si wanaagsan loo qorsheeyey oo ay hawlwadeenada IMF ay gundhig u yihiin, kaasi oo tallaabo muhiim u ah deyn cafinta iyo hagaajinta xiriirka beesha caalamka. waxayna Gudigu xoojiyeen in loo baahan yahay taageero caalami ah oo sii socota oo la siiyo Soomaaliya, waxana ay soo dhoweeyeen abuuridda Kooxda Farsamada oo ka shaqaynaya deynta Soomaaliya.

Previous Post

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda waddankaas-SAWIRRO

Next Post

Hiiraan: Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo howl-gal ballaaran ka billaabay waddada Buulo Burte

Next Post

Hiiraan: Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo howl-gal ballaaran ka billaabay waddada Buulo Burte

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In