Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo soo dhaweysay dib-u-eegista ay golaha wasiiradu ku sameeyeen miisaaniyadda 2015-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudiga Fulinta ee Hay’ada Lacaga Aduunka ayaa soo dhoweeyey in ay Sooomaaliya dib uga howlgashay kadib markii la eegay (Aritical VI), iyadoo qiimayntaan mid la mid ah ay ugu danabaysay  in Soomaaliya laga sameeyo 26 sano ka hor.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa lagu sheegay in Gudiga Fulintu ay oggolaadeen qiiimaynta ay sameeyeen hawlwadeena Hay’adu.  “Waxaa Soomaaliya la soo darisay caqabado dhib badan wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye. Wixii hada ka danbeeyana mudnaanta kowaad waxaa la siinayaa dhismaha hay’adaha dawladda iyo taabagalinta dhinaca maamulka, iyadoo la samaynayo dib u habayn dhinaca qaab-dhismeedka ah si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada. waxaan caddeeyeenaa in beesha caalamku muhiimad gaar ah siinayso Soomaaliya si loo baritaaro dadaalada ay waddo dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Gudiga ayaa waxay sheegeen in  xoogga la saarayo baahida loo qabo in tallaabooyin muhiim ah loo qaado dhismaha nidaamka maaliyadda, iyadoo sal looga dhigayo hab miisaaniyadeed iyo fulin dhab ah. Waxayna soo dhoweeyeen meelmarinta Golaha Wasiirrada ee dib u eegista miisaaniyadda sannadka 2015 si looga fogaado in qaladaad maaliyadeed oo cusub soo baxaan, iyadoo kor loo qaadayo dakhliga lana xadaynayo mushaharaadka, adeegyada asaasiga ah iyo kharashaadka kale ee Dowladda.

“Waxay Gudigu xoojinayaan muhiimadda ay leedahay dejinta miisaaniyadda xilliga dhow iyadoo lagu shaqaynayo hannaanka maaliyadeed, ee ku salaysan mabaadii’ wanaagsan oo maaliyadeed, warbixin daahfuran, iyo dib-u-eegis kharashaadka si kor loogu qaado qoondaynta dhaqaalaha ee dhinacyada maalgashiga dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha”

Sidoo kale Gudiga Fulintu waxay soo dhoweeyeen dadaalada socda ee lagu xoojinayo qaab-dhismeedka maamulka iyo awoodda ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah iyo beesha caalamka. Waxayna ka digeen in aan dib u habayn lagu samayn karin hiltaanka shilin Soomaali cusub ilaa shuruudaha oo dhan laga hirgelinayo, si loo ilaaliyo aamminaada siyaasadeed.

Dhanka kale Gudiga Fulintu waxay sheegen iney xoojinayaan dib u habaynta maaliyadda dalka, muhiimad gaar ahna la siinayo kalsoonida iyo hubanti ku saabsan shati-bixinta iyo las-socodka shirkadaha lacagaha xawila, si gacan looga geysto in la helo qaab xawilaad oo nidaam bangi ku salaysan. Waxayna gudigu ku taliyeen in la helo nidaam lagu cirib tirayo lacaga been xalaalaysiga iyo ka hortaga maalgelinta argagaxisada (Anti-Money Laundering and Countering Financing of Terrorism) si waafaqsan nidaamka iyo xeerarka caalamka.

Gabagabadii Gudiga ayaa soo jeediyey in IMF iyo deeq bixiyayaasha caalamku a ay ku dhiirrigeliyeen Dawladda in la sii wado sidii looga shaqayn lahaa in la tirtiro deyn muddo socotay oo lagu leeyahay Soomaaliya. Waxayna sheegeen in waqtiga ku habboon la sameeyo iskaashi u dhexeeya Soomaaliya iyo IMF oo ku saabsan lacag bixinta iyadoo lagu salaynayo barnaamij si wanaagsan loo qorsheeyey oo ay hawlwadeenada IMF ay gundhig u yihiin, kaasi oo tallaabo muhiim u ah deyn cafinta iyo hagaajinta xiriirka beesha caalamka. waxayna Gudigu xoojiyeen in loo baahan yahay taageero caalami ah oo sii socota oo la siiyo Soomaaliya, waxana ay soo dhoweeyeen abuuridda Kooxda Farsamada oo ka shaqaynaya deynta Soomaaliya.

Previous Post

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda waddankaas-SAWIRRO

Next Post

Hiiraan: Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo howl-gal ballaaran ka billaabay waddada Buulo Burte

Next Post

Hiiraan: Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo howl-gal ballaaran ka billaabay waddada Buulo Burte

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In