Tuesday, May 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF: Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa

caqiil by caqiil
December 11, 2018
in Wararka
0
IMF: Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hey’adda, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hey’adda ay gaaareen hashiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka barnaamijka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu yiri:

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

May 20, 2025
Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

May 20, 2025
  • Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ayaa isla gaarey hashiis lagu dhameystirayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka Barnaamijka Soomaaliya (SMP3)
  • Mas’uuliyiintu waxa ay sii wadeen qorshahooda hirgalinta cabirka dib u eegsita kaa soo taageeraya   waajib gudasho lagu qanci karo, iyada oo loo marayo wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta ( SMP3).
  • Hey’adda Lacagta Adduunka waxaa ay raja weyn oo ku aadan dhameystirka wajiga sadaxaad ee barnaamijka Kooxda la socodka Soomaaliya (SMP3), in Soomaaliya u dhaqaaqdo barta go’aan qaadashada deemaha mar kaas oo la eegayo hal abuurka waddamada faqriga ah ee deemaha galay ( HIPC Initiative).

Kooxda Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo uu hogaaminayay Maxamed Al-xaaji ayaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay mas’uuliyiinta Soomaaliya 1dii ilaa 6dii  bishaan December, waxay isla garteen ka gudbidda wajiga koowaad ee Barnaamijka 12 bilood, kaas oo soo biloowday May 2018 kuna eg bisha April 2019.

Dhammaadka booqashadda ka dib waxa uu madaxii wafdiga Al-xaaji uu yir:

“Doodii mira dhalka aheyd ee wada yeesheen kooxda IMF iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay ku heshiiyiin dhameystirka dib u eegsiiti koowaad ee wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta, hashiiska waa inuu saxiixa agaasimaha maamulka IMF oo aan ka rajaynayno inuu tixgaliyo warbixinta kooxda ee dib u eegista barnaamijka la socdka Soomaaliya heerkiisa sadaxaad dhammaanaya horaanta sanadka 2019.

 Dhaqaalaha Soomaaliya

“Dhaqaalaha waa uu soo kabanayaa sanadkan 2018 abaaro waddanka halakeeyay sanadihii 2016/2017 ka dib  roobka oo sidii la rabay u da’ay, waxa uu taageeray soo kabashada dhaqaalaha si gaar Beeraha iyo Xoolaha, tani waxa ay hogaamisay maciishadii cuntada oo aad u kacsaneed inay hoos u soo dhacdo, howlaha la xiriirka dhismaha, ganacsiga , isgaarsiinta iyo qeybaha adeegyada oo kordhay waxaana la rajaynayaa inay joogta ahaadaan.

Natiijada dakhliga gudaha ka yimaada iyo sicir

Dakhligu gudaha dalka Soomaaliya waa uu kordhay 3.1% marka loo eego sanadkii hore oo uu ah 2.3%, sicir ayaa hoos u dhacay 3.5% 2018 halka sanadkii 2017 uu ahaa  5.5%.

Si guud marka loo eego dakhliga gudaha sanadkaan 2018 ilaa bishii September aad ayuu dakhliga u kordhay marka loo eego lacagta soo xarootay waxaana ku jirtay 8 milyan oo doolar oo dheeri ka ah dakhligii la filayay  September, ilaa bishii June dakhliga waxaa ku korortay 2.3 milyan oo doolar waxaana muujinaysa si xooggan ee uruurinta daqliga gudaha.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxaa ka go’an gaarida  qorshaha fog ee soo kabashada qaranka iyo ujeedooyinka horumarka, waxa ay kor u qaadeen dadaalooda diyaarinta qorshaha sagaal ee horumarinta Qaranka (NDP9) kaas oo lagu dhisayo qorshihii sideedaad (NDP8)  oo loogu talagalay 2017 ilaa 2019, mas’uuliyiinta ayaa ugu talagalay in looga shaqeeyo aas aaska  qoraalka ku meelgaarka ah ee qorshaha yareenta faqriga (I-PRSP)  qoraalkani waa mid sheegaya hiigsiga horumarinta Soomaaliya, caqabadaha iyo shuruudaha maal galinta. Tani waxa ay bixinaysaa nuxurka maal galinta loo baahan yahay iyo taageerada deeq bixiyayaasha sidoo kale daneeyayaasha inay ka qeyb galaan heerarka uu dhan.

Inkastoo, xaalad adag jirto haddane hannaanka uu ku socdo SMP waa mid xooggan, kooxda IMF waxaa soo dhaweynayaan sida ay uga go’an tahay masuuliyiinta Soomaaliya horumarinta hannaanka canshuur qaadista 2018 iyo in la sii balaariyo 2019 canshuuraha 2019 iyada oo la hubinayo habka loo bixinayo lacagaha.

Kooxda waxaa soo jeediyeen wadiiqoon lagu xoojinayo maamulka maaliyada dalka waxaana ka mid ah  hubinta lacagaha la bixinayo iyo in la yareeyo lacagaha gacanta lagu bixiyo ama cash ka ah iyadoo loo marayo horumarinta dakhli bixinta, joogteynta dadaalada gaarida  in dakhliga dhan lagu shubo hal qasnad ama account iyo sii wadida horumarka laga sameynayo nidaamka maaliyada ee federaalka ku  dhisan.

Mas’uuliyiinta waxay horumar ka sameeyeen hirgalinta talaabooyinka taageeraya sameynta lacagta cusub, kooxda IMF waxay taageerayaan dadaalada mas’uuliyiinta Soomaaliyeed  ee sii wadida in la hubiyo in deeq bixiyayaasha ay maal galiyaan mashruuc dib u habeynta lacagta waddanka.

Kooxdu waxa ay muujiyeen si ay muhiim u tahay xowliga hirgalinta dib u eegista hey’adaha dhaqaalaha, oo ku xeran ahmiyad siinta qaabeynta Bangiga Dhexe, iyo maamulada lacagaha mobile ka la isaga diro, dhinaca kale in la sii wado horumarinta Bangiyada ganacsiga iyo kuwa Bangiyada rasmiga aan aheyn, waxaa jirta baahi la xiriirta xoojinta awooda qeybta rukhsad bixinta iyo la socoshada.

Kooxda waxa ay dhiira galiyeen sida madaxda Soomaaliyeed ay u joogteeyeen doorkooda dib u eegista, marka lagu guusha 12 bil ee ugu horeysay ee Barnaajika kooxda la socodka soomaaliya tan 2016 ilaa 2018 sidaa si la mid ah sida ay uga soo baxeen wajiga sadaxaad ee barnaamijka kooxda la socodka Soomaaliya, xooga iyo awooda qorshaha ka go’naanta leh ee Dowladda federaalka Soomaaliya waa mid xoogeysanaya. Waxaana raja fiican ka qabnaa inay ka soo baxdo shuruuda wajiga sadaxaad ee deen cafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri warbixinta.

Hey’adda Lacagta Adduunka, waxa ay sheegtay inay diyaar u tahay sii wadidadda taageeradda qorshaha dib u habeynta maaliyadda iyo horumarinta iyada oo siinaysa caawin farsamo iyo tababaro la xiriira 1 diyaarinta miisaaniyada iyo maamulidiisa, 2 maamulka maaliyada dalka oo ay ku jirto lacagta, bixinteeda iyo maamulka deenta 3  qorshaha caanshuuraha iyo maamulkooda 4 Akoonada Qaranka iyo tirakoobka dhaqaalaha

Inta lagu jiray kooxda booqashooda waxaa ay la kulmeen Wasiirka maaliyadda Dr Beyle iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo mas’uuliyiin waxaa kale oo kooxda la kulmeen deeq bixiyayaasha si gaar gaar ah iyo si guud iyaga oo war bixin ka siiyay halka uu marayo Barnaamijka deen cafinta.

 

Previous Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Wadanka waddadii Burburka yaanan dib loogu celin”

Next Post

IMF Staff Completes First Review under the Staff-Monitored Program for Somalia

Next Post
IMF: Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa

IMF Staff Completes First Review under the Staff-Monitored Program for Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

May 20, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda...

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

May 20, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee baasaboor bixinta ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.  ...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta

May 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

May 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In