Magaalada Laascaanood ayaa maalinta barri ah waxaa ka furmi doona Imtaxaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare.
Diyaarad ay la socdeen Saraakiil ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa halkaas gaaray si ay u furaan Imtaxaanka 12-aad dugsiyada sare magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.
Imtixaanka ayaa lagu wadda in maalinka barri ah ay u fariistaan ardayda, iyadoo lagu qabanayo illaa Afar goobood oo ka kala tirsan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.
Masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay, saraakiisha ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaan doono imtixaanka.