Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhawaad Todobo kun oo arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee ay Wasaaradda Waxbarashada Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadra Bashiir Cali, Warfaafinta iyo dhaqanka Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah u furay qaadista Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si ardayda ay u helaan shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu aqoonsatahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sidoo kale Mnaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo Madaxsare oo ka tirsan dowladda, iyadoo ardayda ay imtixaanku ku galayeen dugsiga 15 May, waxaana ardayda u rajeeyeen in Imtixaanka uu Alle ku guuleeyo.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa imtixaanka ka furay Iskuulkii hore ee farsamada ee Buulo-Tikniko, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ardayda aad u fara badan oo imtixaanka ka qeyb galaysay.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu maanta Imtixaanka ka furay Jaamacadda Ummadda, halkaasi oo ay joogeen arday aad u fara badan, iyadoo ay jiraan Iskuullo kale oo uu kormeer ku sameeyay Wasiirka Cadaaladda, waxaana uu xusay inay tahay tallaabo lagu farxo.

Ku dhawaad 200 oo arday oo wax ka dhigta iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa iyana saaka u fadhiisantay Imtixaanka mideysan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbrashada, waxaana tani ay noqoneysaa mudd 24 sano kaddib in arday Soomaaliyeed ay u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare, iyadoo ay sidoo kale jiraan arday imtixaanka ku galeysay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne, iyo qaar kale ku yaalla bartamaha iyo koofurta dalka ayuu saaka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa iyana waxaa ka bilaabatay Imtixaanka shahaadiga ee ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya.

1 2  4 6 7  IMG_0784 IMG_0785    IMG_0802  IMG_0818     IMG_0825    

IMG_0840   

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Hiiraan oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysaska ka soo laabanaya Yemen

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Maamulka Hiiraan oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysaska ka soo laabanaya Yemen

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In