Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 10 oo ku dhimatay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Cadan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
In ka badan 10 oo ku dhimatay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Cadan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraan 13 qof ayaa dhimatay daraasiin kalena waa ay dhaawacmeen ka dib weerar arbacadan maanta ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaa Cadan, xilli halkaas ka dagtay diyaarad sidday gollaha cusub ee xukuumadda Yemen oo Sacuudiga taageero.

Jugta qaraxa weyn iyo rasaas ayaa la maqlay markii ay garoonka ka caga dhigatay diyaaradda ka timid caasimadda Sacuudiga ee Riyad, sidaas waxaa sheegay goobjoogiyaal la hadlay Reuters.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidanka amniga ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay tirada khasaaraha ee qaraxa maanta.

Wefdiga maanta ka degtay garoonka magaalo xeebeedka Yemen ee Cadan ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaaraha Yemen Maciin Cadul Malik Saciid, danjiraha Sacuudiga ee Yemeen Saciid al-Jaber iyo saraakiil kale kuwaas oo si nabad geliyo ah loogu gelbiyay madaxtooyada, sida ay sheegtaya warbaahinta Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare Maciin oo twitter qoraal soo dhigay ayaa sheegay in dhammaan xubnaha xukuumadda ay bad qabaan isagoo sheegay in falka uu ahaa mid argagaxiso.

Ergeyga QM ee Yemen Martin Griffiths ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in falka uu ahaa mid aan la aqbalo Karin isla markaana waxaa uu xasuusiyay dhinacyada Yemen isku haya ahmiyadda ay leedahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira.

Tan iyo 2015 Yemen waxaa ka jiray dagaal u dhexeeyay isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo oo taageersan xukuumadda Yemen madaxweyne Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Iran baritaarto.

Dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo shacab ah iyadoo malaayiin kale guriyahooda ka qaxeen.

 

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay la dagaallaanka musuq maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo si rasmi ah uga furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo si rasmi ah uga furmay Garoowe “SAWIRRO”

Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo si rasmi ah uga furmay Garoowe "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In