Sunday, January 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 100 Carruur ah oo Alshabaab ka afduubeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Tiyeglow, Cali C/nuur Iiman ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay afduubeen in ka badan 100 carruur ah oo ku nool deegaanada hoos yimaada degmada.

 

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026

Afduubka safmarka ah ayaa Alshabaab waxaa ay ka bilaabeen deegaanka Ceel Garas ee gobolka Bakool halkaas oo maalin qura ay ka qafaasheen in ka badan 60 ciyaal Iskuul ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab gaari hor dhigeen dugsi Ceel Garas ku yaala isla markaana ka kaxeysteen dhammaan carruurtii iskuulka gaar ahaan wiilashada.

Cali C/nuur Iiman, ayaa sidoo kale, sheegay in carruurta Alshabaab qafaalanayso da’dooda u dhexeyso 14 ilaa 9 sano jir, isagoo xusay in waalidiinta loogu yeerey in ay ilmahooda keenaan ciddii amarkooda guracan ka dhaga adeegtada xabsi iyo lacag $ 2,500  ah laga qaadayo.

Shacabka deegaanka ayaa cabsi iyo wel wel aad u xoogan soo foodsaaray markii Alshabaab bilaabeen in ay afduubaan carruurta, waxayna taasi keentay in waalidiinta qaar la soo baxsadaan dhashooda, si aan looga qafaalan.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa sheegay in u jeedka Alshabaab arrinta ay ka leeyihiin ay tahay in ay carruurta baraan af-kaartooda guracan oo leexan si ugu dambeyn ugu adeegsadaan qaraxyada iyo dagaalada ay kula jiraan dowladnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wararka deegaanka ka heleyno, ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka Alshabaab carruurta ay soo afduubaan ku hayaan xero ay ku leeyihiin gudaha degmada Tiyeglow.

Madiino Mad Geedi, oo kamid ah waalidiinta carruurtooda la afduubay ayaa sheegtay in u jeedka Alshabaab ay ka leeyihiin ay tahay in ay ka dhaadhiciyaan in waalidkooda isku qarxiyaan, waxayna codsatay in argagaxisada looga badbaadiyo carruurta.

Waxay tilmaantay, in markii uu soo baxay warka dhiilada ah oo sheegayay in ilmaha la qafaalay ay kamid yihiin kuwii ay dhashay ay ka haajirtay hurddada iyo hunguriga wel wel awgiis.

Xasan Aadan Cabdi, waxaa uu kamid yahay ehelada dadka laga afduubay carruurta, waxaa uu warbaahinta qaranka u sheegay, in haddii aan laga badbaadin carruurta in Alshabaab ay u adeegsan doonaan dhibaatada umadda ay ku hayaan, sida qaraxyada.

Dhibka ugu daran oo iminka heysta dadka deegaanka ayaa ah labo daran mid dooro; waa mida koowaad in ay ogolaadaan isla markaana dhiibaan ilmahooda ama in ay deegaanka oo dhan ka guuraan wixii xoolo nool iyo mood ah oo ay leeyihiina ka tagaan, taas oo ah mid aad ugu adag.

Maleeshiyaadka Aragaxisada ah, ayaa sidoo kale, waxaa waalidiinta ku amreen in ay keenaan carruurtooda oo waxbarasho ugu maqan; sida magaalooyinka, Baydhabo, Muqdisho iyo meelo kale.

Maleeshiyaadka ayaa wali wada qafaalashada carruurta deegaanka sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia Praises Saudi Role in Advancing Yemeni Peace Efforts

January 3, 2026
0

The Federal Republic of Somalia commends the constructive and responsible role of the brotherly Kingdom of Saudi Arabia in advancing...

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
0

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Jilib Marka...

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026
0

Wasiirrada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si...

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

January 3, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaallya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 25-aad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In