Ku dhawaad 120 maxaabiis ah oo in muddo ah kujiray xabsiga dalka Itoobiya ayaa maanta laga soo dejiyaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan dhalinyaro.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonak diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo sheegey in talaabo wanaagsan ay tahay siideynta maxaabiistaasi oo ay sii dyasay Dowladda Itoobiya.
Markii ay ka soo degeen garoonak diyaaraha magaalada Muqdisho, waxaa shir jaraa’id wada qabtay Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaalidiin Mustaf Cumar
kaasi oo sheeegey in siidaynta maxaabiistani ay qeyb ka tahay xoojinta xiriiraka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Max’ed Cali Nuur oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa sina uga mahadceliayay Dowladda Itoobiya sida ay wanaagsan oo maxaabiistaasi ay u soo deysay, isagoo bogaadiyay xiriirka ka dhexeya labada dal.
Dhawaan ayaa dalka Itoobiya waxaa booqasho ku tagay ra”iisal wasaaraha Soomaaliyaxiligaasi oo Dowladda Itoobiya ay wefdiga ra”iisulwasaaraha ku wareejisay mas’uuliyadda maxaabiistaasi.
SONNA NEWS