Tirada dadkii ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam oo wata dhoobo ayaa korortay,taasoo ka dhalatay roobab ka da’ay Waqooyiga dalkaasi Viyetnam.
Warbaahinada kala duwan ee dalkaasi ayaa sheegaya in Roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ay dalkaasi ay sababeen mashaqadaasi ku habsatay dadka dhintay,welina ay Ciidamada gurmadka deg degga ah ay wadaan baadi goobka dad nool oo weli ku hoos jira burburka Guryaha.
Warka wuxuu intaa ku daray in musiibadaasi ay ku burbureen in ka badan 1000 Guri halka in ka badan 17 kun Gurina ay biyaha ka hoos mareen.
Masuuliyiinta dalka Viyetnam ayaa amray in laga daadgureeyo degaanadooda dhibaatada ku habsatay 200 kun oo qof.
Sida laga warqabo bishii Agusto ee tagtay musiibo noocan ah oo ku habsatay waqooyiga dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 26 qof iyadoo guryo badan ay daadadku qaadeen.