Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Indhaqarshe:-“Ciidamadeena Jab Xoog Leh Ayay Ugu Geysteen UGUS Shabeelaha Hoose”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Indhaqarshe:-“Ciidamadeena Jab Xoog Leh Ayay Ugu Geysteen UGUS Shabeelaha Hoose”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaro kale duwan oo maleeshiyaadka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS loogu geystay deegaanno hoosyimaada Ow-dheegle oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose oo ay soo weerareen xalay.

Taliyaha ayaa sheegay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo mar walbo feejignaan kaga jira hagardaamooyinka UGUS jab isugu jira dhimasho iyo dhaawac ugu geystay  Owdheegle iyo deegaanno hoosyimaada oo si dhuumaaleysi ah ay u soo weerareen UGUS.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa xusay in dhanka ciidamadeena ay kaga geeriyootay dagaakii xalay ay ku galeen deegaano ka tirsan shabeelaha hoose 3 askari halka 4-kalena uu dhaawac soo gaaray.

“Waxaa socda dadaalo dalka oo dhan looga ciribtirayo UGUS oo heer gaba gaba ah maraya islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay cagta marin doonaan maleeshiyaadkaasi oo dhan walba ka taag daran”. Ayuu yiri Indhaqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo sii hadlay ayaa sheegay in ciidanka uu ku socdo dhismo xoog leh, islamarkaana ay socdaan qorshaha isku dhafka ciidanka oo meel wanaagsan maraya xubnaha u xilsaaran arrinkaasina ay ku kala maqanyihiin gobolada dalka.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In