Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Injineerkii Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan oo Geeriyooday

admin by admin
4 years ago
in Wararka
0
Injineerkii Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan oo Geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Telefishinka Pakistan ayaa  Saacadahii hore ee saakay ku dhawaaqay geerida saynisyahankii Nukliyeerka Abdul Qader Khan, oo lagu tilmaamay inuu ahaa ninkii dhisay barnaamijka nukliyeerka Pakistan.

Mr Khan oo gudaha dalkiisa looga yaqaanno Aabahii Nukliyeerka Pakistan ayaa ku geeriyooday da’da 85 sano jir.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

Injineer Abdul Qader Khan, ayaa markii ugu horeeysay la dhigay isbitaal milatari ka dib markii uu ku dhacay Fayraska Corona,  maalmo kadibna waxaa loo wareejiyay Gurigiisa markii dhaqatiirta ay shegeen in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagtay.

Xaaladiisa ayaa si lama filaan ah isu badashay xalay,  waqtigaas oo loola cararay Isbitaal, wax yar kadibna waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday mid kamid ah  isbitaalada ku yaalla Islamabad.

Markii Hindiya ay bilowday dhismaha Barnaamijkeeda  Nukliyeerka Sannadkii 1974-kii, ayuu Ra’iisul wasaarahii Pakistan Zulfikar Ali Bhutto,  u yeeray Cabdul Qader Khan, sannadkii 1975 -kii , isaga oo xiligaas ka yimid dalka Netherland, waxuuna u xilsaaray dhismaha Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan.

Sannadkii 1976-kii, ayuu  bilaabay Mr Khan inuu horumariyo Barnaamijka Nukliyeerka dalkiisa, isagoo ku guleeystay inuu dhiso dhowr Shaybaar si uu u horumariyo Barnaamijka Nukliyeerka.

Intii u dhaxaysay 18 -kii ilaa 21 -kii September, sanadkii 1986 -kii, ayuu Mr Khan markii ugu horraysay ku guleeystay dhismaha Nukliyeerka Pakistan, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Injineer Abdul Qader Khan, waxuu  Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan, ku dhammaystiray 6 sano, halka labaatan sano ay ku qaadato waddamada reer Galbeedka soo saarista Nukliyrrtka.

Previous Post

Ra’iisul wasaarihii dalka Austria oo is casilay

Next Post

Wafdi ka socdo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Baladweyne.

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Magaalada Baladweyne oo baaq u diray hay’addaha iyo ganacsatada.

Wafdi ka socdo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Baladweyne.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In