Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Is Fahamka ay kala saxiixdeen Wasiirada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Is Fahamka ay kala saxiixdeen Wasiirada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Is fahamka wadashaqaynta iyo hagaajinta habsami u socodka hawlaha warfaafinta qaranka, oo dhexmaray Wasiiradda Warfaafinta heer Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Kulankii 3-da maalmood ahaa ee ay Wasiiraddu ku yeesheen Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho 6-8 May, 2017, waxay si qoto dheer iskula falanqeeyeen wanaajinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya waaxyaha Dawladda, warbaahinta xorta ah ee Soomaaliyeed, dawladaha iyo hay’adaha caalamka ee taageera warbaahinta Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025

Inkastoo qaababka dawladnimo ee adduunku ku dhaqmo, ee uu ka mid yahay nidaamka federaalka ee hadda Soomaaliya ay gashay, mid weliba leeyahay nidaam iyo dariiq wadashaqeyn oo u degsan, hadana maadaama uu nidaamkan federaalku ku cusub yahay dowladnimada Soomaaliya, waxay Wasiiraddu u arkeen in ay muhiim tahay in xilliga dhow meelaha qaarkood la cadeeyo, waxayna ku heshiiyeen:-

Dhinaca Siyaasadda
• In Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay dal xor ah, oo leh xad iyo xudduudo la aqoonsan yahay, sharci iyo dawlad keliya oo Federal ah.
• In sida uu qabo nidaamka dowliga ah, Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federal, oo la tashanaysa Dawlad goboleedyada, ay mas’uul ka tahay dejinta siyaasadda, shuruucda iyo qorshayaasha warbaahineed ee heer qaran.
• In ciddii doonaysa in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliso howlo la xiriira warbaahin, wacyigelin ama ra’yi gudbin qaabkii doontaba ha u adeegsatee, albaabka ay ka soo gelayso dalka Soomaaliya, uu yahay Wasaaradda Warfaafinta ee heer federal iyo dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federal iyo heer Dawlad goboleed ay yeelanayaan wadashaqeyn joogto ah, qorshe iyo istraatiijiyad warbaahineed oo mideysan.
• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Qaran iyo dawlad goboleed dejistaan qorshe lagu wadaagayo fursadaha taageero, tababar iyo horumarineed ee ka suurageli kara dawladda Soomaaliya, ururadda iyo dawladaha aan saaxiibka nahay.
• In si loo ilaaliyo xuquuqda iyo waajibaadka weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyaa sharciga saxaafadda ee Barlamaanka Soomaaliyeed ansixiyay.
• In Warbaahinta Dawladda ee heer Qaran iyo heer Dawlad Goboleed ay yihiin codka shacabka oo danta guud ka howlgala. Shaqsi, koox ama beel uma adeegsan karto rabitaankeeda gaarka ah.

Dhinaca wacyigelinta
• In la sameeyo Golaha Wacyigelinta Qaranka (GWQ), oo dejinaya qorshaha iyo Barnaamijyada wacyigelineed ee lagu wajahayo dhibaatooyinka dhinacyada amniga iyo bulshada ee haysta shacabka Soomaaliyeed, sida la dagaalanka fikirka argagixisada, qabyaaladda, dib u heshiisiinta iyo abuurista isku kalsoonida shacabka,oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha heer federal iyo dawlad goboleed, waxayna Wasiiraddu ka codsadeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururadda taageera Soomaaliya in ay ka caawiyaan dejinta iyo hirgelinta qorshayaashaas wacyigelineed.
• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleed sameeyaan qorshe mideysan, oo bulshada lagu barayo (civic education) dawlad wanaagga iyo dawlad wadaagga, federaalaynta, dastuurka iyo doorashooyinka.
• In la xoojiyo xiriirka wadashaqeyneed iyo war kala qaadasho ee warbaahinta dawladda ee heer federal iyo heer dawlad goboleed.
• In warbaahinta gaarka loo leeyahay loo sahlo helitaan xogaha, wararka iyo barnaamijyada bulshadu danayso ee ay hayaan hay’adaha dawladdu.

Dhinaca Xiriirka gacmaha kale ee warbaahinta
Gacmaha kale ee Warbaahinta, waxaa looga jeedaa hay’adaha iyo hawlwadeenada aan dawladda ahayn ee ka shaqeeya warbaahinta sida warbaahinta madaxa bannaan iyo hay’adaha gudaha iyo dibedda ee ka shaqeeya warbaahinta.
• Wasiiraddu, waxay ku wargeliyeen ururradda, weriyayaasha iyo hay’adaha warbaahinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradda Warfaafinta ee heer dawlad goboleedka ay ka hawlgalaan una gudbiyaan warbixin xogeedkooda (Company profile) iyo qorshayaashooda Soomaaliya oo dhamaystiran.
• Cid kasta oo sharci daro ku soo gasha, kaga shaqaysa ama ku joogta meel Soomaaliya ka mid ah ama ka fulisa hawlo aanay ogeyn Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleedka, waxay mutaysanayaan ciqaab adag.
• Warbaahin qalaad (ajnabi) ah ma dhexmari karto warbaahin Soomaaliyeed hadii aanay ogolaansho ka haysan Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Federaalka iyo Wasaaradda warfaafinta ee dawlad goboleedka laga dhegaysanayo ama daawanayo.

Waxaa isfahamkan gaaray kuna dhaqmi doona qaybaha warbaahineed ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo dhan, oo ay matelayeen ama wakiil u yihiin:

Wasiirada Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa wada saxiixay is-fahamkan.

Previous Post

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isbootiga oo tababar usoo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kormeeraya Aqalka dowladda Hoose

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka hadlay muhiimadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In