Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbadel Lagu Sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Boqortooyada Sucuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Isbadel Lagu Sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Boqortooyada Sucuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareegto xalay goor danbe uu soo saaray Boqorka Sacuudi Arabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa isbadal iyo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada Boqortooyda Sacuudi Arabiya

Taliyayaasha uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday ayaa kala ah Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, dhulka, iyo cirka, xilli dalka Sacuudigu uu horseed ka yahay dagaalka dhowrka sano socda ee  ay kula jiraan xuutiyiinta Yaman.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wareegtada Boqor Salmaan ka soo baxday laguma xusin sababta ka dambeysa in hal mar Taliyeyaasha Ciidamada Sucuudiga xilalka laga qaado, hase ahaatee waxaa laga yaabaa in ay xiriir la leedahay daba dheeraashada dagaalka Yemen oo Xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga ay xal millatari kaga gaari la’ yihiin dalka yemen.

Sidoo kale Boqor Salmaan ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Boqortooyada, waxaana markii u horeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay magacawday Wasiir qaabilsan arrimaha Afrika.

Boqortooyada Sacuudi Arabia waxaa ka socday muddooyinkii danbe isbadallo aan horay looga baran, taasi oo uu ka danbeeyo dhaxalsugaha  Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo ah Wasiirka Difaaca Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna nin da’yar oo siyaasado furfuran ku soo kordhiyay  dalkaasi Sucuudiga oo boqolkii sano ee tagtay lagu maamulayay nidaam boqortooyo oo muxaafid ah.

Previous Post

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo isku shaandheeyey Golaha Wasiirada K/Afrika

Next Post

Boqolkiiba sagaashan Ka mida Qawmiyada Rohinga Oo Guryahoodii Ka Cararay

Next Post
Boqolkiiba sagaashan Ka mida Qawmiyada Rohinga Oo Guryahoodii Ka Cararay

Boqolkiiba sagaashan Ka mida Qawmiyada Rohinga Oo Guryahoodii Ka Cararay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In