Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaal cusub oo laga dhisi doono Warsheekh-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Isbitaal cusub oo laga dhisi doono Warsheekh-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda dhagax dhigga cusbitaalka oo loogu tala galay hooyada & dhallaanka degmada Warsheekh ayaa waxaa ka qeybgalay, maamulka degmada iyo xubno ka socday qaybaha Kala duwan ee bulshada ku nool degmada Warsheekh.

Dhaqaalaha dhismaha cusbitaalka oo ay iska iska kaashanayaan qeybaha bulshada ee ka soo jeedda degmadaasi, ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay, Gud.Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed iyo Sh.Qaasim Sh.Cabdi Ow Cumar, oo ah Shiikha Degmada Warsheekh.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sh Qaasim Qaasim Sh Cabdi, ayaa ugu horeeyntiiba hadalo duco, guubaabo iyo mahadnaq isagu jiray u  jeediyay dadkii gacanta ka geeystay Biloowga Dhismaha Cusbitaalka.

Jawaahir Baarqab, oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Banaadir oo kamid ah masuuliyiintii ka qeybgashay xafladda dhagax dhigga ayaa sheegtay in faa’ido weyn uu Cisbitaalku u leeyahay ka warqabka xaaladda caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka degmada.

“Wadada dheer ee aan soo marnay oo gabdhaha marka la qaado ay ku dhimanaayeen oo marna meel la geeyo, Jowhar ama Xamar ay ahayd meesha ugu dhow, Maanta waa alle mahaddii ay Hooyada Soomaaliyeed ee degmada Warsheekh ku nool ay heshay baahidii iyo Xuquuqdii ka maqneyd” ayay tiri Jawaahir.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh Axmed Xuseen Shiidka, oo soo gabagabeeyay xafladda dhagax dhigga cusbitaalka, ayaa sheegay in uu maamulka gacan ka geeysan doono hubinta dhaqaalaha la soo aruuriyay si loogu dhammeeystiro Mashruuca dhismaha Cusbitaalka.

“Degmada Warsheekh maanta kadib waxa ay leedahay cisbitaalkii hooyada iyo dhallaanka waxaan rajeneynaa in si dag dag ah ku soo dhamaado dhismaha Cisbitaalka maanta la dhagax dhigay, degmaduna arrintaan si gaar ah ayay ahmiyad ugu leedahay, dhaqaalaha lasoo uruuriyayna waxey ku bixi doonoon sidii loogu talagalay”. Ayuu yiri Mudane Shiidka.

Magaalo Xeebeedka Warsheekh, waxa ay qiyaastii 75Km dhinaca Waqooyi uga beegantahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Waana dhul Deexeed sidoo kalana dadkeedu dhaqaale ahaan ku tiirsanyahay Dhaqashada Xoolaha nool iyo Kalluumeysiga.

IMG_20160627_124112_1CS (1)  IMG_20160627_141823_1CS IMG_20160627_141914_1CS (1) IMG_20160627_142957 IMG_20160627_143009 IMG_20160627_151446_2CS IMG_20160627_151537_2CS IMG_20160627_151703_1CS IMG_20160627_161118 IMG_20160627_161126_1

Previous Post

Wasaaradda arimaha gudaha oo raashiin u qeybisay isbitaalo ku yaala Muqdisho

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In