Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli  ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada caafimaadka oo ka jira deegaannada Gobalka Mudug kuwaasi oo  sababa mararka qaar in daawo la’aan ay naftooda halis ugasho dad farabadan oo ku nool deegaanada ay ku yar yihiin adeegyada caafimaadka ayaa waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanka Bandiiradleey oo ka mid ah meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegyada bulshada oo ay ugu horeyso mida caafimaadka.

Xaruntaan caafimaad oo lagu wado in ay si bilaash ah ugu qabato adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihin bulshada deegaankaasi iyo deegaanada la xariira ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada xariga looga jaray xarunta caafimaad qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka kuwaasi oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen.
Agaasimaha Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Axmed ayaa ku booriyay bulshada deegaanku in ay ka wada shaqeeyaan howsha shaqo ee isbitaalka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dr  C/risaaq Axmed Dalmar oo ku hadlayay magaca hay’adaha iska kaashaday furitaanka isbitaalkan cusub ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalku iyo waxyaabaha ka dhiman ee loo baahan yahay in la dhameystiro, isagoo xusay in haatan la diyaariyay ilaa afar qeybood oo kala ah qeybta bukaan eegtada, qeybta gar gaarka deg degga,  qeybta sheeybaarka iyo qeybta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu Dr Cabdirisaaq uu sidoo kala sheegay in ay dhiman yihiin qeybo ay ka mid tahay mida lagu daaweeyo cudurada faafa oo goordhaw ay hirgelin doonaan.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo isna munaasabadda furitaanka isbitaalka ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isbitaalka, isagoo uga mahad celiyay hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iska kaashaday hirgalinta isbitaalka.

Ugu danbeyn  Mahad Caabi Ciise oo ku hadlayay magaca Wasaaradda Caafimaadka ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan howlaha shaqo ee isbitaalka iyo dhameystirka wixii dhiman.


C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo

Previous Post

Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Next Post

Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka “SAWIRRO”

Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In