Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli  ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada caafimaadka oo ka jira deegaannada Gobalka Mudug kuwaasi oo  sababa mararka qaar in daawo la’aan ay naftooda halis ugasho dad farabadan oo ku nool deegaanada ay ku yar yihiin adeegyada caafimaadka ayaa waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanka Bandiiradleey oo ka mid ah meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegyada bulshada oo ay ugu horeyso mida caafimaadka.

Xaruntaan caafimaad oo lagu wado in ay si bilaash ah ugu qabato adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihin bulshada deegaankaasi iyo deegaanada la xariira ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada xariga looga jaray xarunta caafimaad qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka kuwaasi oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen.
Agaasimaha Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Axmed ayaa ku booriyay bulshada deegaanku in ay ka wada shaqeeyaan howsha shaqo ee isbitaalka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dr  C/risaaq Axmed Dalmar oo ku hadlayay magaca hay’adaha iska kaashaday furitaanka isbitaalkan cusub ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalku iyo waxyaabaha ka dhiman ee loo baahan yahay in la dhameystiro, isagoo xusay in haatan la diyaariyay ilaa afar qeybood oo kala ah qeybta bukaan eegtada, qeybta gar gaarka deg degga,  qeybta sheeybaarka iyo qeybta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu Dr Cabdirisaaq uu sidoo kala sheegay in ay dhiman yihiin qeybo ay ka mid tahay mida lagu daaweeyo cudurada faafa oo goordhaw ay hirgelin doonaan.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo isna munaasabadda furitaanka isbitaalka ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isbitaalka, isagoo uga mahad celiyay hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iska kaashaday hirgalinta isbitaalka.

Ugu danbeyn  Mahad Caabi Ciise oo ku hadlayay magaca Wasaaradda Caafimaadka ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan howlaha shaqo ee isbitaalka iyo dhameystirka wixii dhiman.


C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo

Previous Post

Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Next Post

Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka “SAWIRRO”

Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In