Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Isniintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay nawaaxiga Hotel Wehliye, Marxuum Jaamac Cali Ibraahim oo isugu dhamaystay waxbarashadiisa heerka koowaad ee Jaamacadda, lahaana mustaqbal balse sabab-saday weerarkaas.

Jaamac Cali Ibraahin Wuxuu Dhashay 10-kii September 1984-kii, wuxuuna ku dhashay Magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, Qoyskiisu wuxuu ahaa Qoys iska ladan oo qofkastoo garaadsaday noloshiisa dabarta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Jaamac wuxuu ahaa nin intabadan noloshiisu aysan cidna ku tiirsaneyn isagoo laga soo bilaabo waxbarashadiisii Aas Aasiga aheyd ku soo qaatay in uu Gellin Waxbarto Gellina shaqaeysto.

Nuux Maxamed Isxaaq oo Dugsiga Sare ay soo wada dhigtaan ayaa Isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa Qadka Taleefoonka iigu Waramay iigana sheekeeyay noloshii Allaha u naxariistee Marxuum Jaamac Cali Ibraahim.

“Jaamac iyo aniga waqtibadan ayaan isla soo qaadanay, hal fasal ayaan wada dhiganeynay Dugsiga Sare, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo u soo samray nolosha, Alle ayaa naga jeclaaday lkn wuxuu ahaa nin lagu daydo oo aad u dadaalbadan jeclaana in uu hormar wanaagsan ka gaaro dhinaca nolosha iyo waxbarashada” sidaasi waxaa yiri Nuux Maxamed.

Nuux oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Jaamac Wuxuu yaqaanay farsamada Qalabka ku shaqeeya “Electronic” Xaafadda ayuu dadka u hagaajin jiray shaashadaha laga daawado aflaamta, dhaqaalaha yare e uu ka helo halkaas ayuu ku bixinjiray lacagta waxbarashada waalidkiisana ku kabiirin jiray masruufka nolol maalmeedka qoyskiisa”

Markii uu dhameystay waxbarashada Aas Aasiga ah, Jaamac waxa uu usoo Guuray Magaalada Muqdisho, majirin Qoys uga soo horreeyay magaalada Muqdisho, waxa uu ku soo dagay koox ay saaxiibo ahaayeen oo magaalada kaga soo horreyay, wuxuuna hal qol ka kireystay Dagmada Waabari ee Gobalka Banaadir.

Jaamac wuxuu durbadiiba Qorsheystay maareynta noloshiisa, mana dayicin in uu meesha kasii wado dadaalkiisii waxbarasho, wuxuu bilaabay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, isagoo iska diiwaan galiyay Jaamacadda SIU.

Tifafritaha Qeybta English-ka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, Maxamed Cismaan ‘Black Cobra’  oo ay isku Fasal noqdeen markii uu jaamacadda ku soo biiray ayaa iiga sheekeeyay dabeecadihii iyo sifooyinkii uu ka Xasuustay Marxuumka.

“Aad ayaan uga naxay markii uu isoo gaaray Khabarka ku saabsan geerida Walalkeey Jaamac oo xilligaas kamid ahaa dadkii ku shaahayay nawaxiga Hotel-ka Wehliye, wuxuu ahaa nin Akhiyaar ah dabeecad wanaagsan, firfircoon, aadna waqti ugu bixin jiray waxbarashada, dhalinyarada aan wax isla baraneynay ee jaamacadda wuxuu uga duwanaa in uu ahaa arday in uu waxbarto ugu soo Safray magaalada Hargaysa”

Dadaal dheer kadib Jaamac Cali Ibraahim wuxuu Xaqiijiyay Hamigiisii iyo dadaalkii dheeraa ee uu usoo galay ka gungaarista waxbarashada heerka Koowaad ee Jaamacadda, 28 Septembar 2016 ayuu qaatay Shaahaddada Jaamacadda isagoo kamid ahaa boqolaal arday ah oo ka qalinjabiyay Jaamacadda SIU.

Cabdullaahi Barri Raage oo ahaa arday ay wax wada baranayeen ayaa ii sheegay in Jaamac oo bartay Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah uu maalmihii u dambeeyay ku howlanaa raadinta fursad shaqo, isagoo Codsi shaqo dalbasho ah u gudbiyay dhawr Hay’adood oo ka mid ah dowladda Soomaaliya balse wali uusan helin jawaab ku saabsan shaqo dalbashadiisii.

Naxariistii Janno Alle ha ugu deeqee Marxuum Jaamac Cali weli ma guursan hase yeeshee waxaa damiciisii iyo hankii uu lahaa Alle ka sookoow soo afjaray kooxda Xagjirka ah ee Alshabaab isagoo ka mid noqday ku dhawaad 10 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaas oo iyagoon waxba galbasan ku nafwaayay Qarax Gaari oo barqanimadii shalay ka dhacay Banaanka hore ee Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Muxuu yahay Hadafka kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab? Maxeyse Galabsadeen Dadka maatida ah ee maalin kasta ku le’anaya qaraxyada iyo weerarada ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed?

Fikirkaaga Kasoo dhiibo.

W/Q:- Ismaaciil Mukuhtaar Cumar “Orang”

[email protected]

Previous Post

NATO oo ka hadashay haddii Scotland ka go’do UK

Next Post

Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”

Next Post
Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”

Isbitaal cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Bandiiradleey “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In