Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Al-ixsaan oo maanta Xusay 8 October Maalinta Aragga Dunida+Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Isbitaalka Al-ixsaan oo maanta Xusay 8 October Maalinta Aragga Dunida+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska maalinta aragga adduunka oo ku beegan sideedda October, dhakhaatiirta Isbitaalka Al-ixsaan oo kamid ah xarumaha caafimaadka indhaha ee magaalada Muqdisho waxay maanta sameeyeen baaritaano iyo daweyn bilaash ah oo loo fidiyay qaar kamid ah dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Agaasimaha Isbitaalka Al-ixsaan, Cabdicasiis Xasan Sheekh, oo maanta gudaha isbitaalka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 122 qof oo kamid ah dadka saboolka ay u sameeyeen baaritaano caafimaad oo bilaash ah.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Waxaa uu intaas ku daray in qaar kamid ah dadkaas oo u baahnaa qaliino loo sameyn doonto ayagoon wax kharash ah la waydiinin.

Dr. Cabdisamad Xasan Xaye, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka takhasusiga ah ee Al-ixsaan ayaa sheegay in sanad kasta isbitaalku uu sameeyo xuska maalinta sideedda October isla markaana isbitaalka Al-ixsaan markii ugu horeysay lagu xuso maalintan.

Isaga oo sidoo kale, sheegay in dadka looga baahan yahay in ay ku buraarugaan waxyaabaha aragga dila oo uu ugu horeeyo cudurka indhaha biyaha geliya ee Glaucoma, isla markaana carruurta ay tahay in caafimaadka araggooda lala socda inta ay yar yihiin.

253 milyan oo ruux ayaa maanta aragg la’aan ku ah dunida oo dhan, todobaadka ugu horeeya bisha October sanad kasta  waxaa loo asteeyay wacyigelinta bulshada ee dhanka aragga, isbitaalka Al-ixsaan waxaa uu kamid yahay xarumaha caafimaadka ee ahmiyadda weyn siiyay daryeelka indhaha.

Dr.Cabdisamad, oo caafimaadka indhaha ku takhasusay waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed qof kasta oo da’diisa dhaafto 40 sano looga baahan yahay in uu iska baaro cudurka indhaha biyaha geliya, maadaama uu yahay cudur dhuunta oo aan la dareemaynin.

Hal ku dhegga sanadkan ee sideedda October, maalinta aragga adduunka ‘ waxaa la rajaynayaa aragg wanaagsan’.

Previous Post

Allah u naxriisto Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In