Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbad xariga looga jarayay daah furka mashruuca nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo ay Wasaaradda Caafimaadka ka hirgelisay 8 xarumood oo ku yaala Muqdisho iyo meelo kale ka baxsan gobolka banaadir ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka Madiina.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka, mas’uul ka socday dowladda Norway iyo xubno kale.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin nalalka cad ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyay isbitaalka, waxaana uu ka mahadceliyay mashruucan ay iska kaashadeen Wasaaradda caafimaadka iyo dowladda Norway.

Mr Reb-bron Hens oo ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Norway ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed, wxaaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan hirgelinta mashaariic kala duwan….cod

“Waan ku faraxsanahay in mashruucan aan hirgelino, anagoo kaashaneyna dowladda Soomaaliya, runti waa sida uu Agaasimaha idin sheegay, anaga waan waxa aan halkan u joogno in aan caawino bulshada Soomaaliyeed, waana arrin aad u fiican”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Caafimaadku ay qeyb weyn ka qaadan doonto sidii ay ula shaqeyn lahayd xarumaha caafimaadka, isagoo dowladda Norway iyo hay’adda NIS foundation uga mahadceliyay taaba gelinta mashruucan.

Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay ku horumarineyso adeegyada caafimaadka ee dalka, si bulshada ay u helaan gurmad caafimaad oo dhinac waliba leh.

Previous Post

Wasiirka howlaha guud oo ballan qaaday dib u dhis lagu sameynayo xarumihii Naafada “Sawirro”

Next Post

Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho “Sawirro”

Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho "Sawirro"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In