Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 6, 2015
in Wararka
0
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbad xariga looga jarayay daah furka mashruuca nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo ay Wasaaradda Caafimaadka ka hirgelisay 8 xarumood oo ku yaala Muqdisho iyo meelo kale ka baxsan gobolka banaadir ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka Madiina.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka, mas’uul ka socday dowladda Norway iyo xubno kale.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin nalalka cad ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyay isbitaalka, waxaana uu ka mahadceliyay mashruucan ay iska kaashadeen Wasaaradda caafimaadka iyo dowladda Norway.

Mr Reb-bron Hens oo ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Norway ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed, wxaaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan hirgelinta mashaariic kala duwan….cod

“Waan ku faraxsanahay in mashruucan aan hirgelino, anagoo kaashaneyna dowladda Soomaaliya, runti waa sida uu Agaasimaha idin sheegay, anaga waan waxa aan halkan u joogno in aan caawino bulshada Soomaaliyeed, waana arrin aad u fiican”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Caafimaadku ay qeyb weyn ka qaadan doonto sidii ay ula shaqeyn lahayd xarumaha caafimaadka, isagoo dowladda Norway iyo hay’adda NIS foundation uga mahadceliyay taaba gelinta mashruucan.

Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay ku horumarineyso adeegyada caafimaadka ee dalka, si bulshada ay u helaan gurmad caafimaad oo dhinac waliba leh.

 

Previous Post

Wasiirka howlaha guud oo ballan qaaday dib u dhis lagu sameynayo xarumihii Naafada “Sawirro”

Next Post

Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho “Sawirro”

Olole nadaafadeed oo si habsami leh uga socda Muqdisho "Sawirro"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In