Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isla-xisaabtanku waa muraayad laga daawado horumarka (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay war been abuur ah oo NISA ay ka qoreen wargeysya ka soo baxa Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nidaam  kasta oo dowladnimo waxaa dhab ah in uusan ka maarmin jaangoyn siyaasadeed oo ku aadan  islaxisaabtan,kaas  oo keeenaya in si nidaam ah loo maamulo,habka shaqada iyo shaqaalaha, dhaqaaalaha dalka iyo la socodka goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada,iyadoo mar kasta laga fogaanayo ficilada muujinaya musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.

Haddaba,isla xisaabtanku waa barnaamij muhiim ah iyo dadaal ballaaran oo ku yimid codsiga tooska ah ee Madaxda dalka, ka dib markii la dersay baahiyaha gaarka ah ee loo qabo in shacabku ay ogaadaan waxyaabaha ama adeegyada ay dowladooda u haysto unadda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Isla xisaabtanku waa muraayad laga daawado horumarka dowladnimo,waana barnaamij ay dhaqangalintiisa si ficil ah u hoggaaminayaan golaha xukuuuumadda,kan shacabka iyo garsoorka,iyadoo,ujeedada fog ee laga leeyahay ay tahay in la abuuro jawi wadashaqeyneed oo dhexmara shacabka iyo dowladda.

Waxaa xaqiiqo ah in la hirgaliyay dadaaladii dowladda ee ahaa in shacbiga Soomaaliyeed loo ilaaliyo ammaanadii wax ku oolka aheyd ee ee loo haayey, waxaana arimahaasi suuurtagaliyay

dowladdu ku shaqeysay isla xisaabtan dhab ah iyo maamul adag oo fogeeyay musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.

Nasiib wanaag waxaa  muuqata in dowladdu  ay heshay Kalsoonida bulshada,kadib markii si dhab ah loo gudagalay wada shaqeyn xoogan oo u dhaxeysa maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda kale ,si ay meesha uga baxdo in  gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Nidaamka dowladda ee isla xisaabtanka  waa tallaabo ay dowladdu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda,waana barnaamij kamid ah tiirarka asaaska u ah  dimuqraaddiyadda, hormarka dhaqaaalaha iyo Dowlad xilkas ah oo suurtagalisa in dhammaan, shaqaalaha, ururada bulshada rayidka, ganacsatada  iyo dadweynaha kale ay si fudud u helaan xogaha  dawladda

Dowladdu ,waxa ay ka shaqayneysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qeyb ka yahay isaga oo aaminsan inuu  isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga, lana cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga.

Waa wax lagu faano in dowladda Soomaaliya ay la timid barnaamijka isla xisaabtan ah oo aan weli ka hirgalin dalal naga horeeya xagga nabadgelyada iyo horumarka,sidaa daraadeed,waxaa hubaal ah in haddii nidaamkaan loo dhaqan geliyo sida ugu haboon,iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah ay faa’iiido weyn ugu jirto  dadweynaha  iyo dawladdaba.

Dadaalka dowladda ee dhinaca isla xisaabtanka  ayaa ah mid daba socda  dib u howlgalinta shabakadda hindisaha dahfurnaanta ,kaas oo lagu soo bandhigaayo xogaha shaqo iyo waxqabadka wasaradaha dowladda

Inkasta oo madaxda dowladda Feeraalka ay qeyb ahaan ku guuleysteen habsami u fulinta barnaamijyada ku saabsan isla xisaabtanka, haddana,waxaa looga fadhiyaa in ay dardargeliyaan adeegyo kasta oo lagama maarmaan u ah bulshada,isla markaana la xoojiyo kalsoonida.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Alle ha u naxariistee Eng Baana Cali oo london ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Next Post

Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Next Post
Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In