Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Strasbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxayso Midowga Yurub.
Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, iyo gudoomiyahiisa wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wadahallada.
Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.
Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Midowga Yurub looga baxo.
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa inay dib u dhigaan goโaankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xiriirka mustaqbalka, illaa laga gaaro heshiis weyn.
Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.
Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay inay dajiso xiisadda siyaasadeed, hasayeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaari kara goโaanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.
๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...












