Ciidamada Israa’iil ayaa u diiday dadka Falastiiniyiinta ah inay booqdaan bariga magaalada Qudus iyo Masjidk Al Aqsa.
Xayiraadan ayaa la sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin ganacstada iyo ardayda iskuulada ka dhigata bariga magaalada Qudus, oo loo ogaan doono inay halkaasi joogaan.
Sidoo kale dadka dalxiisayaasha ah iyo Israa’iiliyiinta ayaa loo ogol yahay inay booqdaan Bariga Qudus oo ah halka uu ku yaal Masjidka Al Aqsa..
Sabtidii shalay ayaa bariga Qudus lagu dilay 2 qof oo Isra’iiliyiin ah oo uu mindi ku dilay wiil reer Falastiin ah, isagoona dhaawacay labo qof oo kale. Booliiska Isra’iil ayaa dilay wiilkaasi oo la sheegay inuu ahaa 19 sano jir.
Gelinkii hore ee maanta ayaa weerar kale oo uu qaaday nin Falastiini ah oo ku hubeysan mindi uu dhaawac u geystay nin Yahuud ah. Booliiska ayaa toogasho ku dilay ninkaasi oo ahaa muwaadin Falastiini ah..