Milatariga Israel ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday xerada qaxootiga Jenin ee woqooyiga Daanta Galbeed,halkaasi oo ay ku dileen afar falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Israa’iil ay ugu yaraan 10 weerar oo xagga cirka ah ku qaadday Jenin subaxnimadii manta oo Isniin ah, taasoo keentay qiiq ka baxayay burburka dhismayaasha.
Kolonyo ay la socdeen tobanaan gawaarida gaashaaman ee Israa’iil ayaa sidoo kale dhinac walba ka hareereeyay xerada qaxootiga, waxaana ay billaabeen howlgal milateri oo dhulka ah, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray guryaha iyo waddooyinka.
Mohammad Hasanein oo 21 jir ah ayaa xalay sidoo kale ciidamada Israa’iil ay ku dileen afaafka waqooyi ee magaalada Ramallah ee bartamaha Daanta Galbeed, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.
Wasaaraddu wali ma aysan cadeyn afarta qof ee manta lagu dilay Jenin. Ugu yaraan 27 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay xerada,waxana ku jira siddeed ruux oo ay liidato xaaladooda caafimaad.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Falastiin ayaa si adag u cambaareeyay xadgudubka waxashnimada ah ee lagu hayo dadka ku dhaqan xerada Jenin.